Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo U Sacabo Tumay Wax Ka Bedelka Xeer-hoosaadka

0
490

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Bashiir Aw Xuseen Tukaale ayaa ka hadlay sababta ay labada ku xigeen ee shir guddoonka golahu uga soo dajiyeen dhinacyada guddoomiyaha.

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa sheegay inay doonayaan in guddoomiyaha golaha looga danbeeyo hawlaha golaha, waxaanu sidaas u sheegay mar uu la hadlaayay wargeyska Geeska Afirika, waxaana hadaladiisa ka  mid ah“Hore ayaanu u doonaynay inaan wax ka badalno xeer hoosaadka, hadda ayuun baanay suurto gashay, mar haddii xeer hoosaadkan la ansaxiyay, wax shir guddoon la yidhaahdaa ma jiro ee waxa jira guddoomiye iyo laba  ku xigeen. Goobta fadhigana waxbaanu ka badalnay oo labada ku xigeen guddoomiyaha hoostiisa ayay fadhiisanayaan, marka uu guddoomiyahu hawl u baxana ka ku xiga ayuunbaa kursiga sare ee guddoomiyaha u baxaaya, markaas waa hawl nidaamin ah oo galaha aanu u samaynay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxay tahay in kolba guddoomiyaha uu golahu leeyahay uu noqdo mid hawlaha looga danbeeyo oo aan hawlahiisa lagu soo faro galin sidii barigii dhawayd dhacday ee labada ku xigeen ay darjiidheen ee waxii ay saxeexeen haddana ay ka horyimaadeen,Soo daatadii [heestii jaamac Riyo] golaha ayay maanta ka bilaabmatay.”