Sucaad Ibrahim Cabdi Oo Sheegtay Inay Doorashada Dambe U Tartami Doonto Xildhibaanimo

0
810

Picture6Hargeysa(Geeska)-Marwo Sucaad Ibrahim Cabdi, oo ah gabadh u dhalatay wadankan Somaliland oo aqoonyahanad ah ayaa cadaysay inay doorashada Baarlamaanka Somalialnd ee sannadka dambe isa soo sharixi doonto, waxaanay doonaysaa inay ka mid noqoto Baarlamaanka Somaliland oo marka labada aqal la isku daro ay gabadh keliyi ku jirto.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shalay daabacay qormo dheer oo uu kaga hadlay aragtida iyo doonista Sucaad Ibrahim Cabdi ee ka mid noqoshada Baarlamaanka Somaliland iyo caqabadaha uu qabiilku ugu horeeyo ee ka horiman kara. Sucaad oo ka mid ahayd xubnaha dumarka ah ee aasaasay dallada ay haweenka Somaliland ku bahoobeen ee Nagaad, waxay cadaysay inay ka go’antahay inay isu sharaxdo Baarlamaanka Somaliland, marka la gaadho doorashada sannadka dambe.

Wargeyska The Guardian wuxuu qoray in caqabado door ah oo uu qabiilku ugu horeeyaa ay hortaagantahay sidii ay haweenka Somaliland uga mid noqon lahaayeen Baarlamaanka, waana sababta keentay in labada gole ee Baarlamaanka Somalialnd (Guurtida iyo wakiilada) oo ay tiradoodu tahay 164 xildhibaan ay haweenay keliyi ku jirto, waxaanay jariiradu tilmaantay in haweenka Somalialnd ay si weyn uga dhex muuqdaan arrimaha bulshada balse marka ay siyaasad timaado ay tahay arrin u xidhan ragga oo keliya. “Inta badan xisbiyada siyaasadu waxay taageero ka helaan qabiilka oo iyaguna go’aamiya qofka murashaxa u noqon doona, qabaa’ilkuna dumarka xagga hore ma soo mariyaan.”  Ayay tidhi Sucaad.

Inkastoo ay Sucaad Ibrahim Cabdi, sheegtay inay ka go’antahay inay Baarlamaanka isu sharaxdo, haddana sida ay jariiradu qortay ma doonayso inay wasiir noqoto, “marka aad masuul dawladeed noqoto waxa kula xisaabtamaya Madaxweynaha, waxaana yaraanaysa intaad wax bedeli karto.” Ayay tidhi Sucaad, waxaanay intaas raacisay, “Hoggaamiyayaashu waxay naqdiga u arkaan shakhsi weerar halkii ay ka ahayd falcelin wax dhisaysa, waxaad noqonaysaa qof wax kasta haa yidhaahda [Yes person]. Waxaan leeyahay aragtiyahayga, mana ihi qof noocaas ah.”

Sucaad ayaa wakhtigan ah madaxda Somaliland u jooga hay’adda lagu magacaabo Progressio, waxaanay kaalin muhiim ah kaga jirtaa horumarinta haweenka Somaliland.