Xildhibaan Baar Siciid Oo Ku Baaqday In Cadaaladda Iyo Wanaagga Laga Shaqeeyo

0
651

Hargeysa (Geeska) – Marwo Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqday in mar walba la ilaaliyo cadaaladda, oo laga taliyo wanaaga, lagana dheeraado wax kasta oo fidno abuuri kara.

Marwo Baar Siciid Faarax oo u warrantay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Tacsi u dirtay ehelkii, qarabadii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE u naxariiste Xildhibaan Bulqaas, waxayna ugu horeyn tidhi “Halkaynu maanta marayno waa meel fiican, waxaana la inooga baahan yahay in mar kasta aynu ka heshiino wax kasta oo aynu isku qabano, ee ta kale mar walba aynu ku dadaalno ilaalinta cadaaladda, wanaagga iyo khayrka, oo aynu ka dheeraano wax kasta oo fidno iyo dhib keeni kara”.

Mar ay ka hadlaysay geeridii ku timid ALLE ha u naxariiste Xildhibaan Bulqaas, waxay tidhi “ALLE godka ha u nuuro oo ha u naxariiso Xildhibaan Bulqaas iyo ummadda muslim ahba, Xildhibaan Bulqaas muddo dheer ayaanu isku Gole ahayn, haddana xaqii baa u yimid, oo wuxuu ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee Turkiga, ehelka, asaxaabta, qaraabada, Shacabka iyo Golahayaga uu ka baxayna Samir iyo imaan ha inaga wada siiyo ALLE”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office