Gabadh Xoolo La Joogtay Oo Lagu Dilay Burco, Dibed-bax Dhacay Iyo Maamulka Togdheer Oo Ka Hadlay

0
737

Burco (Geeska) – Alle ha u naxariistee waxa Magaalada Biurco ee Xarunta Gobolka Togdheer lagu dilay Gabadh Magaceeda lagu sheegay Nimco Ibraahim.

Gabadhan oo la dilay xilli ay la joogtay ama eegaysay Xoolo, ayaan illaa hadda la garanayn Cidda dilkeeda geysatay iyo sababta loo dilay midna, balse Badhasaabka Gobolka Togdheer oo Warbaahintu waydiisay dilka gabadhaasi, ayaa sheegay in dilkaasi jiro, Meydka Gabadhuna yaallo Cisbitaalka guud, Booliskuna ku daba jiraan Cidda geysatay Gabadhaasi oo la sheegay in dilkeeda Toorey loo adeegsaday “Xaafadda 27 May ama Samir iyo Imaan loo yaqaano, gabadh baa xalay (Habeen hore) lagu dillay, gabbadhaas waxa ku yaalla dhaawac iyo middiyo, in la kufsaday iyo in kalena waalla kala hubinayaa oo dhakhaatiirta ayaa gacanta ku haysa, waana la baadhayaa, ciddii dishayna boolisku way daba socdaan”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd.

Dhinaca kale, Haween tiro badan oo ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco, ayaa Shalay Magaalada Burco ka dhigay dibed-bax ay Caddaalad ugu raadinayaan Haweenaydaasi la dilay, iyagoo laamaha Dawladda ugu baaqay in si deg-deg ah Cadaaladda loo horkeeno Cidda geysatay dilka Nimco Ibraahim
“Waxaanu Madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa inay soo qabtaan Ciddii ka dambaysay dilka Nimco Ibraahim, wax alaale iyo wax ay galabsatay ma jirto, waxay ahayd Gabadh Miskiinad ah, waxay haysay Walaasheed oo Naafo ah iyo Walaalkeed oo Waalan.” Ayay tidhi mid ka mid ah Haweenka Dibed-baxa sameeyay.

Haweenay kale ayaa sheegtay “Marxuumadda la dilay jaar bay nala ahayd, Gabadhaa waxa la noo sheegay in si xun loo dilay, sidaasi darteed waxaanu Dawladda ka codsanaynaa inay si deg-deg ah wax uga qabato.” Ayay tidhi.

Dilka Dumarka ayaa ku soo badanaya dhulka Soomaalidu degto, sida Somaliland, waxaana dilka Burco ka dhacay noqonayaa kii labaad muddo dhowr bilood gudahood ah.

Geeska.net/Hargeisa Office