Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Sababta Loogu Kala Kacay Shir Farmaajo Iyo Madaxda Maamullada U Socday

0
588

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Shir Madaxda Dawladda Soomaaliya uga socday Magaalada Dhuusa-mareeb oo lagu kala kacay, ka dib markii heshiis laga gaadhi kari waayay qodobbadii laga wada-hadlayey.

Qodobbada lagaga wada-hadlayey Shirkaasi waxa ka mid ahaa Cidda soo xulaysa Xildhibaannada la sheego inay Somaliland ku matalayaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qodob kale oo khuseeya Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID oo shalay hadlay ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in Dad aan Matalin Somaliland lagu sheego inay matalayaan Somaliland isla-markaana la isku khilaafo soo xulistooda.

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa la leeyahay xildhibaannadii Somaliland baa lagu heshiin waayay, bal horta caqliga aynu u tagnay eega Illahaybaan idinku dhaarshee, caqliga aynu barigii ku darsanay ee aynu nidhi Soomaali baa la yidhaahdaa, waa caqliga inaga oo halkan joogna 57 shaqo tagay leh waa xildhibaannaadii Somaliland.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay “Innagu walaal wax kale uma jeednee qaranimadeenii baynu soo ceshanaynaa, saw Jabuuti qaranimadeedi may xajisan, saw kililka shanaad tiisi muu helin, saw NFD may helin, waxaanu leenahay idinku is hagaajiya anagu taayadii waanu haysanaaye, colaadna uma qabno, laakin waligeen dib u tagi mayno, u sheega midh-midhka halkaa jooga”. ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Geeska.net/Hargeisa Office