Xil. Siciid Cilmi Rooble Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay In Uu Is Casilo

0
618

Picture4Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Dastuurka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ugu baaqay inuu is casilo, waxaanu tilmaamay in aanu dalka sii wadi karin, sidaa awgeed ay sharaftiisu ku jirto is casilaadda, oo haddii uu is casili waayo in isaga oo sidan ka magaca liita, wadankuna meel sidan ka xun uu ka taagayo.

Guddoomiyaha Guddida Dastuurka Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble  oo Shalay Warbaahinta kula hadlaya Xarunta Golaha Wakiilada ayaa sidoo kale Madax dhaqameedka Somaliland uga digay inay ka qayb galaan wada hadalada Turkigu labada Madax dhaqameed ee Somaliland iyo Somaliya uu u qabanaayo, waxaanu sidoo kale soo jeediyey kuna baaqay in dalka laga mustaafuriyo Qusulka Turkiga ee  Somaliland ku sugan, waxaanu hadalkiisi  ku bilaabay sidan "Waxa aan maanta ka hadlayaa wax aan la is lahayn waa laga hadli doonaa, oo Umadda reer Somaliland ay go'aan ka gaadhay, waa jiritaankii Somaliland, 25-sanno kadib ayaan ka hadlaya jiritaanka Somaliland sow maaha wax mucjiso ah, waad ogaydeen dalkan shan boqol oo kun baa inagaga dhintay,inay ku xoroowno Somaliya, dabadeedna dawladdo ayaa abuurmay, halkaas ayeynu soo gaadhnay, waxa nasiib daro ah maanta 25-sanno kadib inay jiritaankii Somaliland ka hadalno.

ALLE ha u naxariiste xilligii Ina Cigaal Madaxweynihii Cigaal go'aan ayey labada Gole gaadheen, qaraar ayey markaas gaadheen labada Gole, Jabuuti ayaa markaas Shirka qabanaysay, dabadeed go'aan ayey labada Gole soo saareen".

Xildhibaan SIciid Cilmi ayaa isaga oo go'aankaas akhriyaya waxa uu yidhi "Waxa ay ahayd 11/10/2003-dii ayuu go'aankaasi soo baxay, waxa uu go'aamay in cid alaale cidii ku abtirsata Umadda Jamhuuriyada Somaliland dawlad iyo shacbiba, Afraad, Ururo ama Axsaab, NGO-yo ama Aqoonyahano, Madax dhaqameedyo ama sugaanyahano ama noocyada ururada Bulshada, aanay sinaba uga qayb gali karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlaayo hindisayaasha Somaliya ama lagu heshiisnaayo dhinacyo ka mid ah kooxaha Somaliya ama iyaga oo isku dhan, kaasi waa qodobka kowaad, qodobka labaad in cid alaale cidii ku abtirsata Jamhuuriyada Somaliland ee ka qayb gasha, ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta, (Waa taageeradii Suldaanka oo kale doraad), sida qowl, ficil iyo qoraal, kaga qayb gasha wada hadalada Somaliland ee qodobkaas kowaadi tilmaamayo in loo adeegsado dambiile khiyaamo qaran,taasi go'aanka weeye, taas oo ay waajib ku tahay Hay'addaha ku shaqada leh, inay hor keenaan Maxkamadaha awoodo u leh, iyada oo la raacayo xeerarka uu tilmaamay Dastuurka ee qodobka 130-aad faqradiisa shanaad, taasina waa xukunka dambiga uu qofkaasi yeelanayo”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlaya qodobbada xeerkaas ee xukunka qofka jebiya waxa uu yidhi, “Qofkii loo qabto qodobkan kor ku xusan waxa la cafin karaa kadib marka uu Xukun Maxkamadeed ku dhaco,  Madaxweynahuun baa cafiya”

Madaxweynihii Cigaal uu ku dhaqmay, Rayaalena uu ku dhaqmay, Siillaanyana haddaba muxuu keenay, Siilaanyo waxa uu yidhi khayr baan idiin ogahay, halkanay ka dhawdahay, aniga oo Xukuumad ah ha la ii furo Golohoow.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble  ayaa isaga oo ka hadlay qodobadii ay Xukuumaddani keentay markii ay doonaysay in la furo in lala hadli karo Somaliya ayaa yidhi "Waa 5/2/2012  go'aankaasina waxa weeye 1-In la taageero Xukuumadda Somaliland ka qayb galka Shirka London waa Shirkii ugu horeeyey ee la odhan jiray halkaas ayey hawli ka socotaa ee noo ogolaada, qodobka labaad waxa weeye in Xukuumadda oo kaliya inay ka qayb gasho shirkasta oo aan ka hor imanayn madax banaanida, qaranimada iyo dastuurka Somaliland”

Maxay Xukuumaddu inoo keentay, tan iyo maalintii hawshaas la galay ee aanu arintaas furnay ilaa maanta wali Golayaasha fasaxa siiyey Xukuumadda, ilayn anaga ka Wakiil ah Shacabkiiye, wali inta la hor yimid lama odhanin waxas iyo waxaas ayaa nagu soo kordhay, laakiin marka aynu runta sheegno waxa inooga soo kordhay kharash, waxa kale kamay soo kordhin, waxaynu u dirnay Aqoonsi, waxaynu u dirnay jiritaankeena oo la kobciyo, laakiin waxa Xukuumaddeenu doonatay oo ay runtii ku dadaashay, oo ay ka faa'iiday, oo ay in badan inoo sheegeen oo Maxamed Cabdilaahi Wasiirkii hore ee Kharaajigu ka hadlay inuu dhaqaale horta uu inoogu mudan yahay, maxa dhacay markaas gacan ayaa la isku dhiibay, Xukuumaddeena Somaliland iyo Dawladda Turkiga iyo Nimankii Xamar ka socday heshiisyo hoose ayaa la galay.

Waxa aan halkan aad iyo aad ka hambaliyeynayaa Wasiirkii u dambeeyey ee kharaajiga Maxamed Biixi Yoonis oo markii dambe inoo tilmaamay ee sheegay inay wada hadaladii burbureen, aad iyo aad ayaan u hambaliyeynayaa waayo qadiyadda ayaa isaga dhab ka ah, waxaynu wada hadaladii Turkiga ka faa'iidnay; In lacag la inagu sumeeyo la ina siiyo, in karaamadii iyo haybadii dawladdeed ee jiri jirtay ee Madaxweynayaashii hore ay inoo aasaaseen la dabciyo, waayo mar kaliya la inama af rogaayo ee marba talaabo ayey inagu dayayaan, waxaynu wada hadaladaas ka faa'iidnay in qusul la inoo keeno, Safiirkiina uu Xamar fadhiyo, 1969-kii, xilligii uu inqilaabkii Siyaad Barre ka dhacay Soomaaliya Dawladdihii ka horeeyey Qusul ayaa halkan inoo joogay, ilayn weynu midaysnayn inaga iyo Soomaaliya, Safiirkiina waxa uu joogay  Xamar, walibana aynu aqbalnay, iyada oo Dawladdeenu ka hadlaysa Qunsulka u fadhiya Turkiga ayeynu dhagaysana, cidina kama hadasho, kaasina waa qodobka labaad la inagu iibiyey ee aynu Maanta Xamar u dhex fadhino, badweyn fadaraal ah ayeynu dhex fadhinaa marka dhinaca kasta loo eego".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Tiro yar ama tiro Shacabka reer Somaliland anigu eedayn maayo, laakiin se Umadda aad doorateen ama ha noqoto Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ama ha noqoto Golahayga Wakiilada horta inta ay Umaddu dooratay waa labadaa, Wasiir lama dooran cid kalena lama dooran, Suldaanka jilibkiisaa doortee waa xaaran inuu ka hadlo Qaranimada Somaliland".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey Qunsulka Turkiga in dalka laga mustaafiro ayaa yidhi "Qusulka halkan fadhiiya annagu waxba yeeli mayno waxa se u soo jeedinayaa Golayaasha in laga mustaafuriyo oo laga saaro dalka, Xukuumaddana waan u soo jeedinayaa, nabadgaliyadiisa shaqo kuma lihin, Xukuumadda ayaa shaqo ku leh, laakiin se anaga oo waxba yeelaynin karamaadayada ayaa wax walba ka weyn ee waa in sida ugu dhakhsaha badan leh in isagana dalka looga mustaafiya".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu Madaxweynaha ugu baaqayey inuu is casilo ayaa yidhi "Madaxweynaha Wadankii meel halis ah buu marayaa, Madaxweyne Wadankii ama ogoow ama ha ogaanin, adiga ayaa Umaddu ku dooratay, adiga ayaa dumada if iyo akhiraba wax laga weydiinayaa, Wadankii meel halis ah ayuu marayaa, waxa muuqata in Madaxweyne xaalada Wadanka aanad halkaas dhaafin karayn, maanta waad wacan tahay, Musharaxnimadii waad ka tanaasushay, cid kale ayaad ku wareejisay, waa laguugu hambalyeeyey, hase yeeshe xaalada Wadanku marayo meel xun weeye, waxa aan u maleeynayaa meel halkaas ku dhaanta oo aad kaga tagtid in aanay jirin, Madaxweyne is casil, halkaas Madaxweyne isku casil ayaan odhanaya, haddii ay halkaas kula dhaafto meel ka xun ayey kula galaysa, meel ka xun oo Wadankuna ka xun yahay adiguna aad ka magaca xun tahay kana liidatin ayaa la galaya ee Madaxweyne is casil ayaan leeyahay"  

Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble  waxa uu Shacabka reer Somaliland ee Qurbaha ugu baaqay inay Saraafaha Turkiga ka hor mudaharaadan, oo ay muujiyaan sida ay u neceb yihiin in Somaliya dib loogu noqdo, waxa kale oo uu Shacabka dalka ku sugan ugu baaqay inay iyana shucuurtooda ku muujiyaan in hal saac oo maanta ah goobahooda shaqo xidhaan.