Murashaxii Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Oo Is Casilay Iyo Jawaabta Guddoomiyaha

0
658

Picture5Hargeysa (Geeska)-Musharaxa jagada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa  si rasmiya xilkii uu ka hayey Xisbiga UCID iskaga casilay, waxaanu  ka waramay sababta dhabta ah ee ay is casilaadiisu salka ku hayso ama sababta ah u ah, waxaanu dhaliilo iyo eedaymo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe iyo murrashaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo shalay warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay kala aragti noqdeen Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID   Jamaal Cali Xuseen, isla markaana uu hawlihii iyo waajibaadkii Xisbiga ka saarnaa uu ka gaabiyey, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Markaan arkay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigu ka gaabiyay ka qaybqaadashada hawlaha Xisbiga, kuna kala aragti duwanaaday Jamaal, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii murashax ku xigeen iyo Xubinnimadii Xisbigaba,”

Musharixii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadllaayey Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi “Waxaan in badan isku dayay inaan xalliyo khilaafka ka dhex-jira xisbiga si aanu xisbigu u burburin, waxaaanay taariikhda xumi ku qormaysa Faysal Cali Waraabe oo noqday dadka loo adeegsanayo burburka xisbiga, Faysal Cali Waraabe laba jeer buu ku tartamay oo uu ku guul-darreystay doorashadii, waxaana annagu heshiish la galnay inaanu abuurno UCID cusub, waxaanay ahayd inuu heshiishkaasi fuliyo oo uu daacad ku shaqeeyo, wuxuuse door biday taariikh madow iyo khiyaano, waxaanu xisbiga UCID noqonayaa kii labaad ee bur-bura,” 

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaaladda Burco waxa uu ka hadlay xaaladda cusub ee xisbiga iyo eedaha uu murrashaxa is casilay u soo jeediyey “Xisbiga waa la qiimaynayaa, waa la is dul taagayaa, yaa soo saari kara, yaa musharax xigeenka ku soo bixi kara”. Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu intaas ku sii daray “Waxaan u malaynayaa in Cabdirashiid ka baqday in lala tartami doono ama la caqabadayn doono oo aanu xisbiga taageero iyo dhaqaale midna aanu keenayn, waxba kama jiraan arrinta ah in khilaaf jiro, wuxuun-buu ka cararay Cabdirashiid waar waa la is qiimaynayaa, arrintii way is bedeshay, xisbigu siduu u soo bixi lahaa ayaa dib loo eegayaa, markaa wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal oo u waramaayey VOA-da.

 Guddoomiye Faysal oo qorshaha cusub ee Ucid ka sii hadlaya ayaa yidh “ Qof walba waa la qiimaynayaa, xataa aniga ayaa la I qiimaynayaa markay shir weynaha gaadho bal inaan sii wadi karo iyo in la i bedelayo, qof kasta waa la qiimaynayaa waxani “wax Kitaab ku qoran oo Qur’aan ah maaha, Facebook iyo Chating Siyaasi laguma noqdo,” markaa waa in la eegaa, waar yaa wadanka wadi karaya, waar yaa umadda isku hayn karaya, waar yaa Somaliland iibin karaya, waa sidaas uune musharax ma ahana ma odhan xumaan aan u hayaana ma jirto”