Xikmado Siyaasadda Dunida Laga Yidhi (1)

0
2955

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo ururinayaa qaar ka mid ah xikmadaha iyo hal-ku-dhegyada kala duwan ee dadka magaca leh oo siyaasiyiintii caan ka noqotay dunidu ay ku jiraan, ka yidhaahdeen siyaasadda:

– Marka siyaasadda la joogo, doqonniimadu caqabad ma’aha (Napoleon Bonaparte)

– Haddii aad qancin kari weydo (Dadka) jaah-wareer. (Harry S. Truman, madaxweyne hore oo Maraykan ahaa)

– Indheer-garadkii diida in siyaasadda uu galo, maangaab ayuun baa u taliya. (Plato)

– Siyaasaddu waa xeeladda dib u dhigista go’aamada illaa la gaadho waqti aanay macno lahayn. (Henri Queuille oo saddex jeer raysalwasaare ka noqday Ingiriiska)

– Dimuqraadiyaddu waa laba yey iyo wan yar oo u codaynaya koodii uu qado u noqon lahaa. (Lama yaqaan)

– Sababta dumarku siyaasadda ugu yaraadeen waa in aanay awoodayn in ay laba weji qurxiyaan. (Maureen Murphy) – (Macnuhu waa in siyaasigu uu laba weji leeyahay)

– Haddii aad doonayso ‘Maxaa la yidhi’ Ragga warayso, haddiise aad doonayso ‘Maxaa la qabtay’ dumarka weydii. Margaret Thatcher (Raysalwasaare hore oo Ingiriis ah)

– Berigii aan carruurta ahaa waxaa la ii sheegi jiray in qof kastaa madaxweyne noqon karo; haddaan se rumaystay, hadalkaas (Clarence Darrow).

– Siyaasigu waa ka awood u leh in uu saadaaliyo waxa dhacaya berri, toddobaadka dambe, bisha dambe iyo sannadka dambe, isla markaana awood u leh hadhowna in uu sharraxo sababta ay u dhici waayeen wixii uu saadaaliyey. (Winston Churchill- raysalwasaarihii Ingiriiska ee xilligii dagaalkii labaad ee adduunka).