Xikmado Iyo Hal-Ku-Dhegyo Laga Yidhi Siyaasadda

0
3261

Hargeysa (Geeska)- Qormadan sida qormooyin kale oo aynu hore u soo aragnayba waxa aynu ku soo qaadanaynaa hadallo hal-ku-dhegyo iyo hal-qabsi noqday oo dad siyaasadda dunida magac ku lahaa iyo aqoonyahan kale oo muhiim ahaa ay ka yidhaahdeen siyaasadda.

– Ma aqoon waxa uu ahaa awoowgay, laakiin waxa aan si fiican u danaynaa in aan garto waxa wiilkan (Isaga ayaa is sheegaya) uu awoowga u yahay ay tahay in uu noqdoo. (Abraham Lincoln)

– Casriga aynu joogno ma jiro shay la odhan karo siyaasadda waa uu ka fog yahay, qadiyad kastaa waa siyaasi (George Orwell)

– Waxa aan ogaaday in siyaasaddu ay tahay mawduuc aad uga khatar badan in aynu siyaasiyiinta oo keliya uga tagno. (Waa ay ka weyn tahay wax siyaasiga oo keliya loo dhaafo) Charles de Gaulle

– Boqolkiiba Sagaashan siyaasiyiintu waxa ay soo kordhiyaan uun in ay tobanka soo hadhay sumcadda ka xumeeyaan (Hennery Kissinger)

– Xaqa aan haysan quwad (Xoog) ilaaliya, sharciga siyaasadda waxa uu ka qoran yahay Baadil (Che Guevara)

– Codka aqlabiyadda ah macnihiisu ma’aha in uu caddaaladdii yahay. (Friedrich Schiller)

– Wixii xoog lagu qaado xoog ayuun baa lagu soo ceshan karaa (Jamaal Cabdinaasir)

– Ciddii kacdoon silmiya samaysaa, hadhow ayuun baa ay awoodi waayaan in ay joojiyaan kacdoonnada dhiiggu ku daadanayo. (John Kennedy)

– Rayul caamku waa beenta ugu weyn ee taariikhda soo martay (Thomas Carlyle)

– Haddii aad doonayso in qof aad ku qanciso qadiyad aad wadato, marka hore waa in aad ku qancisaa in aad saaxiibkii tahay (Abraham Lincoln)

– Haddii laba dawladood oo yaryar ay Qarmaada Midoobey isula gar tagaan, labaduba waa ay tirtirmaan, haddii dawlad yar iyo dawlad weyn gartoodu qaramada Midoobeygashana, dawladda yar ayaa tirtiranta, laakiin haddii laba dawladood oo waaweyni ay gartooda kula noqdaan qaramada Midoobeyna, Qaramada Midoobey ayaa tirtiranta