Xikmaddii Boqorka Habardugaag: “Ma Sii Joogi Karo Meel Yeydu Libaaxa Xidhxidhayso, Oo Dameerihii U Noqdeen Miciin Soo Furfura”

43
4904

Hargeysa (Geeska)- Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu yey soo maray boqorkii habardugaag oo niyadxumo badan iyo warwar qaba. Inta uu ku soo baydhay ayaa uu weydiiyey sababta isaga oo boqorkii habardugaag ah ay niyaddiisu sidan ugu xuntahay? Boqorkii habardugaag waxa uu yeyga u sheegay sababta ugu wacan xaaladdan nafsiga ah ee uu ku jiro. Waxa uu ka cawday wehel la’aan ba’an, kaddib markii habardugaag ay iskaga wada fogaadeen iyaga oo ka cabsi qaba ugaadhsiga libaaxa iyo in ficilladooda oo uu ka cadhoodaa ay ku keento ciqaabtiisa.

Boqorkii keyntu waxa uu ku cawday in muddaba uu keli ku ahaa keyntan oo cid u soo dhowaata iyo cid la hadashaa aanay jirin. Yeygii uu u qaadan waayey in boqorkii laga haybadaysan jiray sidan ku dambeeyey, waxa se uu go’aansaday in isaguna uu dhankiisa qaado tallaabo uu si dadban ugu muujiyo boqorka in aanay cidi keyntan ka jeclayn. Inta uu libaaxii u soo dhowaaday ayaa uu ku yidhi, “Xeelad ay dib raciyaddu kuugu soo joogsato ayaa aan hayaa, haddii aad ogolaato.” Libaaxii dhaqso ayaa uu u ogolaaday, waxa aanu weydiiyey tafaasiisha xeeladdaas, “Geedkaas ayaa aan boqoroow kugu xidhxidhayaa. Markaas ayaa ay dib kugu soo noqonayaan habardugaag, maadaama oo cabsida imika kaa eryeysaa ay ka tegeyso marka ay arkaan adiga oo xidhxidhan oo aan waxba ku samayn karin. Waa ay kuu soo dhowaanayaan, oo ay mar kasta kaa agdhowaanayaan, kuuna wehelyeeli doonaan”

Boqorka habardugaag doqonniimo laguma ogeyn, laakiin midkani waa uu hoos maray oo isaga oo baraad la’ ayaa uu si kedis ah u ogolaaday soo jeedintaas yeyga. Laakiin waxa uu galay dabin yeygu u qariyey. Mar keliya ayaa ay xaaladdii uu ka cabanayey mid ka darani ku timid. Haddii marka hore sababta looga fogaanayey ahayd cabsi laga qabo, maanta xayawaan oo dhan ayaa u kala dheeraynaya ka maadaysigiisa iyo dhibaatayntiisa. Waa libaax geed ku tigtigan oo aan nuuxsan karin. Mid gacani ka gaadho iyo mid hadalka xun dhegta uga duwi waaya iyo mid kale oo wax kasta oo uu libaax ka xanaaqi jiray agtiisa si xorriyad ah ugu samaynaya ayaa ay noqotay xaaladdii ku xeernayd boqorkii yeygu xidhxidhay.

Murugadii ayaa ku sii badatay boqorkii habardugaag, haddii shalay laga haybadaysan jiray, maanta isaga ayaa hadba mid habardugaag ka mid ah ka baryaya in uu afka u geiyo rudhmo uu gaajada iskaga jebiyo. Iyada oo uu xaalka boqorkii sidaa yahay, ayaa waxaa maalintii dambe soo maray dameer, oo uu boqorku ku tirin jiray, xayawaannada ugu doqonsan inta uu keynta ku maamulo.

“Yaab badanaa! Waa boqor xidhxidhan iyo dugaaggii raciyadda u ahaa iyo xitaa ugaadhii ku dheeldheelayaan, toloow, maxaa mudanihii helay” ayaa uu boqorkii naftiisa kula faqay. Intaas kuma uu joogsan ee inta uu boqorkii u soo dhowaaday ayaa uu weydiiyey, “Boqoroow sidee wax u jiraan?!”

Libaaxii: “Sidee aan tallow kugu sheegaa, dameerkii aan jeclaayoow .. khiyaamo ayaa igu dhacday, maanta halkaas i dhigtay”

Dameerkii: Isaga oo ruux isla weyni aanu abid dareemin ahi gashay, ayaa inta uu ku soo dhowaaday yidhi, “Mudane, ma kaa furaa xadhiga, haddii aad ogolaato”

Libaaxii: “Oo cid sharaf leh ayaa raalli ku ahaan kartaba sida aan ahayn”

Dameerkii oo isu arka in uu habardugaag iyo ugaadba dhaafay, maadaama oo uu noqday kii keliya ee boqorku inta uu u baahday, u qayshaday, ayaa xadhigii ka furfuray boqorkii.

Libaaxii markii xadhigii laga furfuray, waxa uu ku kacay fal aan lagaba filayn, “Waxa uu u xamaam urursaday geeddi, uu doonayo in uu kaga guuro boqortooyadiisa keyntan lagu xumeeyey”

Ugaadhii itaalka darnayd ee keynta ayaa isu soo urursaday in ay boqorka joojiyaan, kuna waaniyaan in uu boqornimada sii hayo, laakiin waxa uu libaaxii ku jawaabay ereyo xikmad badani ku duugantahay, “Ma Sii Joogi Karo Meel Yeydu Libaaxa Xidhxidhayso, Oo Dameerihii u noqdeen miciin Soo Furfurta”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here