Talooyin Ku Siinaya Habab Aad Ku Wanaajin Karto Noloshaada Sannadka Cusub Ee 2018 Ka (3)

34
3343

Washington (Geeska)- Qaybtii saddexaad ee talooyin ku aaddan hababka ugu habboon ee uu qofku noloshiisa ku wanaajin karo sannadka 2018 ka, waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska New York Times ee ka soo baxa Maraykanka.

Dhar iibsiga

Xaragada iyo nadaafadda jidhka iyo dharkuba waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha nafta raaxada iyo kalsoonida ku abuuro, in aad mar kasta maro fiican iibsataa waa ay fiican tahay, waxa se ka sii fiican in marada aad hore u iibsatay aad daryeesho. Shay kasta oo aad iibsato waa in aad akhrido warqadda ku dhejisan ee sheegaysa, qaabka ugu habboon ee ay tahay in loo maydho, nooca kaawiyadda ee la marinayo, sida loo kaydinayo iwm. Arrimahani waxa ay si weyn u caawiyaan in shayga jiritaankiisu dheeraado iyo in aanu midab doorsoon iyo isbeddel kale ku iman, isaga oo weli isticmaalkiisu fiican yahay.

Xeeldheereyaasha arrimahan ka faalloodaa waxa ay soo jeediyaan talooyin muhiim ay tahay in uu raaco qof kasta oo doonaya in uu dheereeyo cimriga shayga uu jecel yahay:

– Dharka inta isku midabka ah uun hal mar wada maydh, oo kuwo kala midab ah ha is raacin.

– Biyaha qabow ayaa u fiican dhar dhiqista.

– Dooro saabuun ama shaambo tayo leh oo aad dharka ku maydhato.

– Si dhibirsan u marooji marada aad maydhayso.

– Intii aad awoodi karto, ka dheeroow in dharka aad ku qallajiso mishiinka qallajinta dharka.

– Kaawiyadda uumiga lagu kululeeyo ayaa ugu fiican dharka kaawiyaddooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here