Xiisaha Taariikhiga Ah Ee Ku Duugan Dood Uu Baarlamaankii Somaliland 5 April 1960 Ka Yeeshay Midnimadii Fashilantay Iyo Digniinta Dawladii Ingiriis

0
1090

 

London(Geeska)-Waxa dhawaan xafiiska lagu kaydiyo qoraalada taariikhiga ah ee dunida oo ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu soo bandhigay qoraalo taariikhi ah oo ku saabsan midnimadii sannadkii 1960 dhex martay labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya.

Waxyaabaha la soo bandhigay waxa ku jiray saddex fayl oo ku saabsan Somaliland oo uu ciwaankoodu  ahaa Union of Somaliland and Somaliya oo Somali ahaan noqonaysa midnimadii Somaliland iyo Somaliya  iyo weliba diiwaan weyn oo ay ku jireen doodihii ku saabsanaa arrintii midnimada oo dhex martay baarlamaankii Somaliland ee 1960, waxaana ku duugan doodihii mudanayaashii Baarlamaanka Somaliland ee la soo doortay 17 Febarwari 1960, waxaanu fadhigoodii u horeeyay qabsoomay 5 April 1960, isagoo ku qabsoomay hoolkii shirarka ee golahaas oo ah goobta loo yaqaan goodirka ee hadda hoyga u ah maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

Fadhigaas oo ay ka qayb galeen 36 xubnood oo ka mid ahaa golahaas sharci dejinta, waxa sida qoraal taariikheedkaas ku duugan ay 33 ka mid ahi ahaayeen xildhibaanadii ku guulaystay doorashadaas dhacday 17 Febarwari iyo afar wasiir iyo hal wasiir xigeen. Saddexda kalena waxay ahaayeen xubno Ingiriis ah oo wasiiro ah kana tirsanaa xukuumadii mustacmarada ee Ingiriiska iyo weliba Badhasaabkii Somaliland ee dawladii Ingiriiska. Qoraaladan oo uu isha soo mariyay muwaadin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Siciid Obsiiye, waxa ku duugan doodo iyo aragtiyo badan oo marjac u noqon kara taariikhda Somaliland, waxaana ka dhex muuqata inay umadda reer Somaliland xilligaas si deg deg ah u galeen midnimo u muuqatay in lagu khiyaameeyay. Sida doodda ka muuqata xildhibaanada badankoodu waxay doonayeen midnimo dhex marta shanta Somaliyed, laakiin iyagoon heshiis rasmi ah ka gaadhin arrintaas ayay si deg deg ah u qaateen midnimo marka hore ka bilaabanta Hargeysa iyo Muqdisho, taas oo aakhirkii lagu hunguubay. Waxyaabaha taariikhiga ah ee diiwaankan ku duugan waxa ka mid ah in masuuliyiintii dawladda Ingiriis ee madaxda ka ahaa Somaliland ay ka soo horjeedeen midnimadaas deg dega ah.

Ugu horayn badhasaabkii dawladda Ingiriiska ee Somaliland Sir Douglas Hall, ayaa khubad dheer ku furay shirkii golaha, waxaanu kaga hadlay barnaamijyada wax qabad ee dawladooda, waxaanu gudo galay in loo codeeyo guddoomiye xigeenka shirguddoonka waxaana loo doortay Jaamac Cabdillaahi Qaalib oo ku magac dheeraa Ina Diir Qadhaadh. Intaas ka dibna wxa la gudo galay ajandihii golaha oo uu soo jeediyay xildhibaan Maxamuud Biixi (Shuuriye) oo ka tisanaa xisbigii SNL lagana soo doortay degmo doorashada Baanka ee magaalada Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Ajandahan oo ah ?Xornimo iyo Midnimo?waa mid ay ku soo heshiiyeen xisbiyada aqlabiyada ku leh Golahani ( SNL iyo USP), inuu noqdo ajandaha ugu horreeya ee Golahani ka doodo. Tiiyoo la filayo in Somaliya ay dhowaan qaadan doonto xornimadeedii, haddii isla maalin ahaantaasi dalkanina (Somaliland) la siiyo xornimadiisa waxaa suurtogelaya in mushkiladihii midnimadu yeelan lahayd ay meesha ka baxayso?.?..Waxaa la gaadhay xilligii aad dawladda Ingiriiska ku talo siin lahaydeen in Soomaalida la siiyo xornimadeeda. Soomaalidu ma aqoonsana xuduudahan maanta jira. Waxaanay u haystaan inay yihiin qaar been ah oo kala qoqobaya. Dhamaan dhulka ay Somaalidu deggantahay waa dal keliya oon la kala jarjari karin. Sidaasi awgeed waa in dalkani la siiyo xornimadiisa kowda bisha Julay oo ku beegan maalinta Somaliya xornimadeeda qaadanayso, si isla maalintaasi ay u wada suurto galaan xornimada iyo midnimadu.”

Xildhibaan Ibraahim Cismaan Food ( Basbaas) oo ka tirsanaa Xisbiga SNL, lagana soo doortay degmo doorashada Cadaadley  oo arrintaas ka hadlay ayaa isna  yidhi “ Soomaalidu ma doonayso shan dawladood oo kala gooni gooniya. Xataa laba dawladood oo keliya ma doonayso. Waxay Somaliya qaadanaysaa xornimadeeda kowda bisha Julay. Waxaanuna rajaynaynaa in aanaan annaguna maalintaasi dib uga dhicin.?Waxaa kale oo ay rumaysnaayeen in xornimada Somaliland iyo midnimada Somaliya maalin keliya noqoto.”

 Xildhibaan Xaaji Ibraahim Nuur oo ka tirsanaa xisbiga USP lagana soo doortay degmo doorashada Dila ayaa isna yidhi “Waxay Soomaaliya qaadanaysaa xornimadeedii kowda bisha Julay, annaguna waa in aanu maalintaasi qaadanaa xornimadayada si ay u suurtogasho in  isla maalintaasi aanu midowno.”

Xildhibaan Michael Mariano oo ka tirsanaa xisbiga NUF lagana soo doortay Ceel Afweyn, ayaa isna yidhi,?”Soomaali oo idil ayaa sugaysa midowga labada dal ee Somaliland iyo Somaliya. Waxayna midnimada labadaasi qaybood u horseedi doontaa sidii shanta Soomaaliyeed oo idili u midoobi lahayd.”

Mr. Phillip Carrel oo isna ahaa xoghayihii dawladda Ingiriiska oo halkaas fadhiyay ayaa ka jawaabay hadalada xildhibaanadaasi soo jeediyeen, waxaanu aad uga digay in lagu deg dego midnimadaas oo ahayd mid bilaa shuruud ah, waxaanu soo jeediyay inay haboontahay in marka hore laga gaadho isfaham guud, waxaanu yidhi  “Shaki igagama jiro in ay dadka ku nool Somaliland doonayaan inay la midoobaan Somaliya. Waxaanan hubaa in dawladda Ingiriiskuna  ku taageeri doonto himiladooda. Laakiin bishii u danbaysay ayay dadka gashay jibo weyn oo ay ku doonayaan in ay la midoobaan Somaliya kowda bisha julay oo ah islamaalinta dalkaasi qaadanayo xornimadiisa. Ilaa iyo hadda wax wada hadal ah oo arrintaasi ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Somalia) ka wada yeesheen ma jirto. Waxaana jira arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo inta aan la midoobin ka hor. Ugu horreyn waa in labada dal ku heshiiyaan distoor ka wada dhexeeya. Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiiska wada gelaya oo idil waa in arrintani laga gaadhaa heshiis ka hor intaan la midoobin. Sidoo kale waa in laga heshiiyaa, sharciyada doorashada, qaabka dawladdu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dawladda iwm. Waxaasi oo idili waxay u baahanyihiin in dad khubaro ah loo xilsaaro si ay u darsaan ugana soo talo bixiyaan. Si dawladda midnimadaasi ka dhalataa ay u noqoto mid ku taagan dhidibo adag.”

Ugu dambayntii waxa fadhigii khudbad ka jeediyay badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland Sir Douglas Hall, waxaanu ka digay midnimada deg deg ah iyo cawaaqiib xumada ka dhalan karta, waxaanu yidhi  “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbin doonaa sida dadka reer Somaliland u doonayaan xornimo iyo midnimo. Hase ahaatee waxa idin saaran xil weyn oo ah in aad gudataan waajibaadka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay oo ah in aad ka ilaalisaan dhibaatooyinka ay ku keeni karto midnimo aan loo dhammaystirin hawlihii lagama maarmaanka u ahaa, oo si fudud oo degdeg ah loo galay.”

Isagoo la dardaarmaya xildhibaanadii reer Somaliland ee ay jibadu madax martay wuxuu yidhi “ Waxaan idinkula dardaarmayaa: khatar ha gelinina mustaqbalka dadka iyo dalka Somaliland.”