Madaxweyne-xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Maxjarka Labaad Ee Jaabiri

0
760

 

Berbera(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismaha maxjar labaad oo Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al-jaabiri ka hirgelisay magaalada xeebta ah ee Berbera ee gobolka Saaxil.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay furitaankii Maxjarkaasi ayaa soo dhaweeyay maalgelinta uu ganacsadahaasi ku sameeyay dalka waxaanu yidhi “Farxad ayay noo tahay in aanu furno maxjarkii labaad ee shirkadani maalgalisay oo sida noo muuqata runtii waa maxjar balaadhan markaa gacmo wada jira ayay ku gooyaan waxaanay muujinaysaa wax wada qabsiga beesha caalamka iyo dawlada Somaliland, waxaanan diyaar u nahay markasta inaan soo dhaweyno cid kasta oo wax gashanaysa dalkan iyo dadkan faa’iidana isoo kordhinaysa isaguna ka faa’iidaysanaya.”

  Wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in bishan carafo hal dollar laga dhimi doono lacagtii xoolaha laga qaadi jiray, waxaana hadalkiisii kamid ahhaa ahaa “Horta maxjarkan waa maxjar qaranku leeyahay waxaana maamulka shirkada Sucuudi Imaaraat ee maamusha maxjarada Al Jabiri, waxaanu hal dollar ka dhinay qiimihii xoolaha dhoofka laga qaadi jiray bisha Carafo, sanadka cusubna in aanu dib u eegno oo u qiimayno in intaa laga sii badiyo.ayaan rajaynaynaa.”

Wakiilka Shirkada Sucuudi Imaaraat ee maamusha maxjarada shirkada Al-jabiri Mr. Xasan Qalaf Xasani ayaa u mahad naqay xukuumada Somaliland iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa waxaanu tilmaamay inay dhiirigeliso mashaariicda ay ka fuliyaan dalka. Wakiilku waxa uu intaasi ku daray in maxjarkani uu faa’iido u yeelan doono wadanka, waxaanu xusay in maxjarkan cusub bedkiisu yahay 3km oo isku wareeg ah.

 Wakiilku waxa uu sheegay in shirkadiisu ay horumarinta gobolka Saaxil ugu deeqday adduun dhan 70 kun oo Dollar.

 Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo wasaaradda Duulista iyo Hawaddu ka hirgalisay madaarka Berbera iyo jid laami ah oo dhererkiisu yahay 350M, waxaana mashaariicdaasi faahfaahiyay oo ka warbixiyay wasiirka Duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi, waxana uu yidhi “Mashaariicdan waa mashaariicdii ay xukuumadani u balan qaaday bulshada Somaliland, gaar ahaan gobolkan Saaxil kuwaasi oo horumarinaya kaabayaasha dhaqaale guud ahaan mashaariicdan waa kow iyo toban mashruuc oo la xidhiidha jidadka iyo casriyaynta madaarka Berbera.”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka waxa uu kormeer ku tagay dekeda Berbera waxaanu halkaasi madaxweyne xigeenka warbixin ku siiyay maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, waxa kale oo madaxweyne ku xigeenku kormeer ku tagay garoonka kubada cagta ee magaalada Berbera oo ay dhismihiisu wado dawlada hoose ee Berbera.

Safarka Borama

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa la filayaa inuu maanta Borama ku tago socdaal gaar ah, waxaana gogol xaadhkiisa Borama u jooga Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale iyo xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada. Socdaalka Md. Saylici ayaa la filayaa inuu qaato muddo toddobaad ah, waxaana lagu macneeyay mid uu ugu kuur galayo xaaladaha kala duwan ee gobalka Awdal ka taagan.