Xiisadaha Siyaasadeed Ee Borama Iyo Dhayalsiga Madaxda Qaranka

0
545

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan gobalka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama, ayaa u muuqata mid si hoos hoos ah banaanka ugu soo baxaysa, balse aan u muuqan madaxda qaranka Somaliland.

Waxa shalay si kedis ah isugu dhici gaadhay ciidamo Boolis ah iyo dhallinyaro badhtamaha suuqa  iyagoo tiro ah ku urursanaa. Ciidamada Booliska ayaa furay rasaas taas oo aan wax dhibaato ah gaysan balse sababtay buuq iyo sawaxan markii dambe iska degay.

Sidoo kale waxaa magaalada laga dareemayaa dareeno  siyaasadeed oo ka dhashay fikirka Suldaan Wabar uu qabo ee uu buuraha u galay. Inkastoo aanay inta badan ee bulshada reer Borama fikir kacdoon hubaysan ah aaminsanayn haddana waxa jira dareenno isa soo taraya oo siyaasiya. Dad badan oo gobolkaas ka soo jeeda ayaa ku hungoobay safarka Madaxweyne Siilaanyo ka dib markii sidii laga filayey uu ku dhixi waayey gobolka si uu waqti ugu helo la sheekaysiga iyo dhegeysiga tabashada iyo talada bulshada gobolka Awdal. Waxaana ka soo baxay faham ah in aanu madaxweyne Siilaanyo aaminsaneen miisaanka dhabta ah ee xiisadda siyaasadeed ee gobolkaas ka jirta, marka laga reebo tabashada dhinaca saami qaybsiga talada qaranka ah oo uu balan qaaday inuu wax ka qabanayo. 

Waxa kale oo la dareemayaa doorkii golaha guurtida ee dejinta xiisadahan, iyadoo uu Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ah oday ruug caddaa ahi uu hore u qiray inay golaha guurtidu dhayalsadeen arrinta Suldaan Wabar. In kasta oo uu guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo toddobaadkan saxaafadda la hadlay uu isagu aaminsan yahay inaanu jirin xal ay arrintan u heli kari lahaayeen oo ay ka gaabiyeen, “Annagu hawlahayaga kama baaqsannee, Suldaan Irdhoobay  oo fidnoomay dee annagu waxaanu nidhaahno garan mayno, Aydana kaga dabategi mayno. Reer Awdal iyagaaba ku filan, dalkuna cidna fawdo ugama baahna, Nin Suldaan sheeganayana hadalkiisaba daa, dee Illaahay ha inoo soo hadeeyo.”

Hase yeesho ee dadka siyaasadda lafo-gura ayaa aaminsan in arrinta Awdal ka taagani ka fogtahay sida la aaminsanyahay, waxaanay ku doodayaan inay madaxda qaranka Somaliland dhayalsanayaan ama aanay aad ugu gundo degin baadhista iyo fahamka xiisadahan oo haddii ay sii socdaan keeni kara in wakhti badan ay xal u raadinteedu qaadato.

Waxaana weli Madaxweyne Siilaanyo hor taalla in uu caano qubtay dabadood gaadho oo uu ka dhabeeyo ballan-qaadyada uu ka sameeyey xalka saami-qaybsiga iyo in uu xal siyaasi ah oo uu la kaashanayo labeenta bulshada reer Awdal iyo hal-doorka kale ee qaranka ka gaadho arrintaas, oo aanay noqon nabar dhaymo xumaysta.