Xiisad Shalay Ka Oogantay Tiyaatarkii Hargeysa Iyo Wasiir Warancade Oo Ka Hadlay, Bulshadana U Diray Farriin Culus

0
494

002Hargeysa(Geeska):-Tiraba hal qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii isku-dhac u dhaxeeya ciidamada booliska iyo kooxo hubaysan uu shalay galinkii danbe ku dhex-maray dhinaca wajahada galbeed ee Tiyaatarka Hargeysa oo muddooyinkii danbe uu ka taagnaa muran u dhaxeeya ganacsade hore looga iibiyay tiyaatarka iyo Suldaan reer Hargeysa oo ay xukuumadu siisay wajahada galbeed.  Kooxdan hubaysan oo sida la sheegay taabacsanayd ganacsadaha wada dhisamaha Tiyaatarka Hargeysa, ayaa galinkii danbe ee shalay gudaha u galay xarunta dhismahaasi ka socdo, iyaga oo diidanaa in la dhiso wajahada dhinaca galbeed ee Tiyaatarka. Waxaana goobta shalay tagay taliyaha ciidanka Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade. .Wargeyska Geeska Afrika oo isku deyay sidii uu xog rasmi ah uga heli lahaa dhacdadan ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde, xalay ku waraystay Telefoonka, waxaanu ka waramay dhacdadan oo uu xaqiijiyay inuu hal ruux ku dhaawacmay, "Arrintaasi waxaa ay ahayd arrin laba nin oo midba qayb la siiyey dhulka ayaa isku qabtay oo muran ayaa ka dhacay, deedna arrintaasi waxaa ay keentay in ay isku maan dhaafaan, waxaana dhacday in ay iska hor imaad ka dhacay deedna ciidamada amniga ayaa halkaasi soo fara galiyey, nimankii qoryaha sitayna waa la qabqabtay rag dhawr iyo toban ah labada dhinacba markaa arrinku imika aad ayaa uu u degan yahay qofna waa uu ku dhaawacmay."Ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Md:Cali Maxamed Waran-cadde, waxaa uu sida oo kale uu fariin adag u diray shacabka reer Somaliland isaga oo sheegay in cidii ciidmada hub kala hortimaada ay waxii khasaare ah ee halkaa ka dhasha ay iyadu mas’uuliyadeeda qaadi doono, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay cidna gor gortan kala galayn sugida amaanka dalka. "Runtii waxaan doonayaa in aan dadka u sheego dalku waa dal nabdoon amaanka dalkana cid laga tixgalinayaa habayaraatee ma jiro horena waxaan uga sheegay warbaahinta oo ninka kala horyimaada hub ciidamada in uu isagu naftiisa halaag galinaayo cid uu wax ku leeyahayna aanu jirin, sidaa awgeed waxaan uga digayaa shacabka in ay hub cad isticmaalaan, waan aqbalsanahay in waxii ay isku qabtaan in aanu si cadaalad ah ugu garqaadno oo ay sharciga yimaadaan laakiin ma aqbali karno mana dhicayso in nin reer Somaliland ah oo mudaadin ahi inta uu qori soo qaato uu wax ku yeelo nabad galyada isla mar ahaantaana uu ciidamada qaranka ee amniga kala horyimaado, taa waxaan ka xignaa in waxii dhib ah ee ay la timaado uu qofkaasi isagu xambaaran doono."Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Waran-cadde.