Laba Masuul Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Iska Casilay Xilalkii Ay Qaranka U Hayeen

0
519

kadaaHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa loo gudbiyay laba istaqaaladood oo ay xukuumadiisa iskaga casileen laba masuul oo dhallinyaro ah, kuwaas oo kala ah la taliyaha madaxweynaha ee dadka laga tirada badanyahay Barkhad Jaamac Xirsi iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid.

La taliyaha

La’taliyahii madaxweynaha Somaliland ee arrimaha dadka laga tirada badan yahay Md:Barkhad Jaamac Xirsi ayaa xilkii la’taliyenimo iska casilay shalay, "Waxaan saaka(Shalay) u gudbiyey istiqaalo xafiiska madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), waxaanan Istiqaaladaydaas ugu gudbiyey aniga oo ka mid ah la taliyeyaasha madaxweynaha gaar ahaana La taliyeyaha arrimaha dadka laga tirada badan yahay in maanta [shalay] oo bishu ay tahay 02.03.2015 aanan sii wadi karin xilkaa, madaxweynahuna uu iga aqabalo.”Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

Barkhad Jaamac Xirsi, oo sida oo kale  hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya waxyaabah uu isu casilay.“Iscasilaadaydaas sababaha ugu waaweyn ee aan Iscasilaadayda madaxweynaha ugu gudbiyey waxaa ka mid ah bulshada aan ka soo jeeda run ahaantii waa bulsho qiimo iyo qadarin weyn qarankan ku leh, waa bulsho balaadhan, bulshada gabooye waxaa ay istaahishaa wax kasta oo muwaadiniinta reer Somaliland ay helaan gaar ahaan xuquuqda siyaasiga ah ee dalka, sida distoorka qodobkiisa labaad, farqadiisa sideedaad ay dhigayso waxa weeye muwaadiniinta reer Somaliland waa ay siman yihiin, xaq siman ayeyna ku leeyihiin qaranka iyada oo taasi jirto muddo dheer waxaan tacab galiyey oo Afar sano ku dhow in masraxa siyaasada Somaliland gaar ahaan qalinka madaxweynaha iyo qoraalkiisuba ay qabtaan dadkaa aan ka soo jeedo oo xuquuqdooda siyaasiga ah ay helaan oo sharaf, milgo iyo maamuusna u ahayd xukuumada madaxweyne Siilaanyo hadana ay u tahay haduu ka faa'idaysanaayo. Qodobka kale ee muhiimka ah ayaa waxaa uu yahay in sawirka siyaasada ee Somaliland ay qurxinaysay in reerkaasi ay saamigooda siyaasiga ah ay helaan maadaama cadaw badan oo qarankan hareeraha ka tuman uu jiro, wasiir kuma laha, agaasime guud ma laha, Isu duwe malaha, badhasaab ma laha, xoghaye dawlad hoose ma laha, maareey ma'laha, xildhibaan ma'laha, garsooreyaal maxkamadeed ma'laha, taliye qaybeed ma'laha, maamule kastam ma'laha, maamule madaar ma'laha.”.

Agasimaha guud

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid, ayaa inkastoo aanu warbaahinta la hadal, haddana waxa ay warar xogogaali xaqiijiyeen inuu is casilaadiisa Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay laba toddobaad ka hor, waxaana la sheegay inay is casilaadiisu la xidhiidho arrimo u gaar ah oo uu doonayo inuu u madaxbanaanado, lamana sheegin in Madaxweynuhu ka aqbalay is casilaadiisa iyo inuu ka diiday.

Gunaanad

Labadan is casilaadood ee ay madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen laba masuul oo dhallinyaro ahi, ayaa inkastoo ay kala horeeyeen haddana waxa ay ku soo beegmayaan is casilaadii wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka cudur daartay inuu qabto xilka cusub ee wasiirka waxbarashada oo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.’ Geesta kalena waxay ku soo beegmayaan is casilaadahani iyadoo war war badan laga qabo qabsoomida doorashada oo qoondaysay 26 June 2015, iyadoo ay wakhtigaasna ku eegtahay shanti sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo la doortay.