Xidhiidhka Masarta Cusub Iyo Israa’iil Oo Xumaaday Iyo Safiir Qaahira Looga Yeedhay

0
3212

 

Hargeysa(Geeska)-Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya xukuumadda milatari ee Masarta cusub iyo Israa’iil ayaa u muuqda inuu xumaanayo.

Xidhiidhkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyay Masar iyo Israa’iil ayaa waxa carqaladeeyay weerar ay diyaarado ay Israa’iil leedahay ku soo qaadeen xuduudka ay la leeyihiin Masar iyagoo dilay dhawr askari oo reer Masar ah. Israa’iil ayaa sheegtay inay baacsanaysay Falastiiniyiin weerar ku qaaday gudaha dalkeeda oo lagu dilay toddoba ruux oo ciidamo iyo dad shacab ah, waxaanay Israa’iil sheegtay in ragga falka gaystay ay ka talaabeen xuduudka Masar. Laakiin weerarka iyo hadalka Israa’iil ayaa si weyn uga cadhaysiiyay xukuumadda cusub ee Masar oo iyaguna Sabtidii shalay  safiirkooda Danjire Yasser Reda  uga yeedhay.

Waxa muuqda ifaafalaha saadaalo badan oo la sameeyay markii uu dhacay Madaxweynihii Masar Xusni Mubaarik, kuwaas oo ahaa in Xusni Mubaarik ka dib uu xumaan doono xidhiidhka Masar iyo Israa’iil. Culimo badan oo ka tirsan wadamada Carabta ayaa bogaadiyay talaabada ay Masar qaaday.