Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Oo Hortagay Guddiga Joogtada Ee Golaha Guurtida

0
867

 

adis

Hargaysa(Geeska) Agaasimaha komishanka Aids-ka Maxamed Daahir Khayre ayaa ka dhawajiyay inay wadanka ku soo tiro badanayaan dadka cudurka Aids-ka laga helayo isaga oo tilmaamay inay ku dhawyihiin dadka cudurka hadda si toosa looga helay dhawr kun oo qof, isla markaasan waxa uu tilmaamay inay daawooyinka hakiya halista cudurkaas ay si toosa u qaataan ku dhawaad kun qof oo Somaliland ku nool, waxaanun agaasimuhu ku nuxnuxsaday hadaan looguntan wacyigalinta cudurkaas in wadanka uu ku sii fidaayo.

Agaasimahu waxa uu warbixintan ka horjeediyay guddida joogtada ah ee golaha guurtida oo ugu yeedhay inuu Agaasime Maxamed Daahir waxa laga waydiiyo hadal haynta cinjirka galmada ee baryahan wadanka dhex socday iyo inuu ka warbixiyo hawlaha komishanka Aids-ka. 

Ugu horayn waxa la waydiiyay Agaasimaha komishanka Aids-ka su’aal dulucdeedu ahayd inuu ka waramo xaqiiqada in lafasaxay cinjirka galmada ee  baryahan wadanka hadal hayntiisu ka socotay, waxanu ku jawaabay “Shir tababara oo aan ugu soo xidhayay shaqaalaa ka shaqeeya xanaanooyinka iyo dhakhaatiir ka hawlgala cudurkan HIV-ga, si caadiya oo dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad ahna  waana u wada hadlaynay, markaa joornaal ayaa war uu dhalan rogay oo xaqiiqda ahayn qoray kaligii, culimaduna taas ayay ka hadashay inkastoo ay fiicnaan lahayd inay aniga wax iga waydiiyaan, markii danbana waxaan soo saarnay qoraal ku saabsan sidii wax u dhaceen markaas sidaa ayay ku koobnayd, wax dhibokalena ma jiraa culimada iyo wasiirka diinta iyo awqaaftana waan is aragnay oo waxbaan meel isla dhiganay”

Kadib jawaabtaas waxa uu Agaasimaha komishanka Aids-ku uu warbixin ka siiyay golaha heerka cudurkan uu wadanka ku maraayo, wakhtigii u horeeyey ee wadanka laga helay qof kunool iyo goobaha lagu shaybaadho cudurkaas iyo sidoo kale goobaha daawada laga qaato waxaanu ku bilaabay warbixintiisa sida tan “Komishanka xakamaynta Aids-ku waxa uu qaabilsanayhay magacaa uu leeyahay oo ah xakamaynta ama ka hortaga ama daryeelka dadka xanuunka qaba iyo inta aan qabinba ayaa ay masuuliyadi ka sarantahay, haday tahay qorshaynta, dabagalka iyo jihaynta siyaasadaba. Xanuunku daraasadaadkii u dabeeyay ee aan samaynay waxa uu dalka ka maryaa 1.4%, marka dadkeena la eego waxa lagu qiyaasi karyaa ilaa dhawrkun oo qof inay qabaan xanuunkaas, dhawrkaa kun ee qof waxa daawooyinka si toosa u qaata kudhawaad 1000 qof, ilaa 1500 qofna waa la daryeelaa oo maygaadhin xiligii daawada loo bilaabayay”

Isaga oo  hadalkisa sii wata waxa uu yidhi Agaasimahu “Cudurkan waxa ay da’diisu ku maraysaa Somaliland 21 sanadood, qofkii u horeeyay waxa laga helay Berbera 1992, runtii waxaan kamid ahaa dadkii maalintaas ninkaas ka helay markaas wadanka waan joogay, waxaanu ahaa nin mujaahida qofkii u horeeyay ee laga helay,waanu dhintay markii danbe. Imika dalka waxa ka samaysan 22 goobood oo dhiiga lagu baadho oo ku kala yaala Boorame,Lawyacado,Gabiilay,Wajaale,Hargaysa,Barbera,Burco,Buuhoodle,Laasacaanood,Alaybaday,Salaxlay, waxa jira xananooyin badan oo dalka kamida oo lagu qaado. waxaanay dadkaasu la baadhayaa u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah kuwo iskood u yimaada si loo baadho iyo kuwo dhakhaatiirtu ay soo diraan marka ay ka shakiyaan caafimaad kooda,”

Maxamed Daahir isaga oo ka hadalaaya goobaha lagu baxiyo daawooyinka hakiya cudurka Aids-ka waxa uu yidhi “Xaga daawaynta waxa laga bixiyaa afar meelood cisbitaalka guud ee Burco,Hargaysa, Berbera iyo Boorama. Magaalooyinka  Laasacaanood iyo Ceerigaabo wali maanu gaadhin insha alaah mustaqbalka waanu gaadhi, waxyaabaha aanu u gaadhi waynayna waxa weeyaan daawadu waxa ay u baahantahay dhakhaatiir loo tababaray inay goobta joogaan, dhakhaatiirteenuna waxa ay jacelyihiin inay magaaloyinka waaweyn joogaan, barnaamijkan baadhitaanku waxa uu inoo bilaabmay 2004 markaa ilaa 2010 waxa la baadhay 11900 oo qof, waxa laga helay cudurka 1970 ama diig dadka bixinaya hanaqoto ama gabadh uur leh oo xanaanada timid ha’ahaato ama qof isagu iskiis u yimid oo yidhi halay baadho ha noqoto, markaa dadka intaas tiro leeg ayaa laga helay cudurka Aids-ka”

Ugu danabayntiiwaxa uu Agaasimahu soo jeediyay in wadanka cudurkaas laga hakin karo oo kaliyaata haddii aan indhaha laga qarsan xaqiiqada jirta ee ah inuu cudurku wadanka si toosa ugu jiro, isla markaasna ay wacyigalinta cudurkaas lagu hakinaayo aanay ka qayb qaadan madaxda dalka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhamaanba qabaha bulshada Somaliland ay ka koobantahay.