Taliyihii Saldhiga Daallo Ee Magaalada Cerigabo Oo Xalay Toogasho Lagu Dilay Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Magaalada

0
695

 

ceri

Hargaysa(Geeska) Taliyihii saldhiga Booliska Daalo ee magaalada Ceerigaabo Alle haw naxariistee Jaamac Garmaqaate ayaa xalay toogasho lagu khaarajiyay.

Taliyaha ayaa loola cararay cisbitaalka magaalda Ceerigaabo waxaana uu ku qudh baxay cisbitaalka gudihiisa, ciidamda booliska ayaan gacanta ku dhigin ninka gacan ku dhiiglaha ah ee toogashada ku dilay taliyaha, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska ee saldhigaas.

Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa soo buux dhaafiyay ciidamo loogu talo galay inay sugaan amaanka magaalada oo markii dilku dhacay ay dad badani suuqyada isugu soo baxeen. Badhasaabka gobalka Sanaag Cali Cabdi Hure oo uu la xidhiidhay wargaysaka Geeska Afrika ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxaanu sheegay inuu ku mashquulsanyahay shirar dhinaca ammaanka ah.

Magaalada ayaa la sheegay in xalay lagu soo rogay bandoo si loo sugo ammaanka caasimadda gobalka Sanaag, waxaanay ciidamada ammaanku ku raad joogaan ninkii dilkaas gaystay.