Maayarka Ceerigaabo Oo Mar Saddexaad La Doortay

0
767

Hargeysa (Geeska) – Golaha Degaanka Ee magaalo-madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxay si rasmiya u doorteen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka, waxaana Maayarka degmada Ceerigabo mar saddexaad Loo doortay Ismaaciil Xaaji Nuur oo muddo ka badan 18 sano soo ahaa Maayarka Ceerigaabo, waxaanu ka sharaxnaa Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag  oo isagu ugu horeyn ka hadlay fadhiga Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Ceerigaabo wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Maxkamaddu waxay ansixisay maanta oo ay taariikhdu tahay 16/06/2021, go’aanka natiijada hordhac ah ee Golaha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo (Shalay) kaas oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka ee Degmada Ceerigaabo, oo ku taariikhaysan 3/06/2021”.

Intaas ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaa dhaariyey Xildhibaanada loo doortay Golaha Deegaanka Degmada Ceerigabo.

Dhaarta kadib 13 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo ayaa iska dhex doortay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka, waxayna maayar u doorteen Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, oo markii saddexaad noqday Maayarka  Ceerigaabo, waxayna Maayar ku-xigeen u doorteen Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi-jiid) oo ka soo baxay Xisbiga UCID, waxaana natiijada codaynta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaa halkaas inoogu dhammaaday Doorashadii, waxaana mar labaad intii aan joogay Maayarkii Degmada noqday Ismaaciil, iyo Guddoomiye ku xigeenkii oo ah Cabdiraxmaan Maxamed, waxaana leeyahay hambalyo”.

Maayarka la doortay oo isaguna halkaas ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa Golaha Deegaanka ee cusub, oo igu codaysay 11 xubnood, mahad balaadhan baan u jeedinayaa, waxaan leeyahay golaha hawl baa inoo taalla, hawlna waa la soo qabtay, Ceerigaabana way joogtaa waana ina dhagaysanaysaa, waana ina eegaysaa, halkay maanta degmadu joogto waxaan rajaynayaa inay 13 xubnood noqotaan kuwii ka sii qaadaya, oo ilaa halka ugu dambaysa ee horumarka ah gaadhsiinaya”.

Dhanka kale, waxaa shalay baaqday in la doorto Maayarka iyo Maayarka ku-xigeenka Degmada Boorama, inkastoo la dhaariyey Xildhibaanada ku guulaystay Doorashada Degmada Boorama, waxaana dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

Dhaarta kadib Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) wuxuu sheegay inuu dib u dhac ku yimid Doorashadii Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka, waxaanu yidhi “Hawsheenii waxay ku dhammaatay dhaartaas, ee beri (maanta), 13-kiina oo qudha beri sagaalka subaxnimo dadkiina oo kale wada fasax baad tihiin iyaga ayaa isku shir guddoominaya, iyaga ayaa is dooranaya, Xoghayaha oo qudha oo wax u qor-qoraya iyo aniga oo  goob joog ahaanaya ayaa wehelinaya”

Ugu dambayn, Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi oo Shalay hadlay ayaa shaki ka muujiyey sababta Dawladdu dib ugu dhigtay doorashada Maayarka Boorama, waxaanu Xukuumadda u soo jeediyey inay jawaab cad ka bixiso sababta baajisay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office