Xiddiga Kubadda Cagta Ee Lionel Messi Ayaa Garankiisa Hadyad U Siiyey Labada Hablood Ee Madaxweyne Obama

0
466

1Buenos Aires (Geeska)- Xiddigga kubadda cagta ee reer Argentina Lionel Messi ayaa funaanadda uu ku ciyaaro hadyad u siiyey labada hablood ee uu dhalay madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama oo lagu kala magacaabo Sasha iyo Malia, kadib markii uu madaxweyne Obama ku fashilmay in uu labadiisa hablood u rumeeyo riyadooda ahayd in ay la kulmaan xiddigga kubadda cagta ee ay taageeraan, markii ay la socdeen aabahood oo safar shaqo ku tegey dalka Argentina bishii Maarij ee sannadkan.

Madaxweyne Barak Obama ayaa sheegay in uu isku dayey in muddada uu joogay Argentina uu rumeeyo riyadaas hablihiisa laakiin nasiib darro uu isku daygaasi ka fashilmay. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Sky News waxa uu intaas ku darayaa in Lionel Messi markii uu maqlay warka labadan hablood iyo aabahood uu go’aansaday in uu labadaa hablood hadyad u siiyo garanka uu ku ciyaaro si ay xusuus ugu haystaan.

Waxa aanu u soo diray laba garan oo ah kuwa ay ku ciyaaraan xulka qaranka ee dalka Argentina oo sita lambarka uu Messi ku ciyaaro ee 10, mid kastana uu ku qoran yahay mid ka mid ah magaca labada hablood ee madaxweynaha si mid kastaa ay u haysato garan uu magaceedu ku ag qoran yahay lambarka uu ku ciyaaro ciyaartoygan oo ay labadooduba xiiseeyaan.