“Xeerka Maaliyadda Waxa Awood U Leh Oo Dastuurku Siinayaa Wakiilada, Ee In La Isku Khilaafaba Maaha”

0
627

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida, ismarin waaga Xisbiyada ee Doorashada iyo Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay khilaafka Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa yidhi “Marka hore maaha in khilaaf ku saleeysan Xeerarka inuu ka dhex bilaamo Wakiilada iyo Guurtida, Sharcigu wuxuu Wakiilada awood u siiyey wixii xeerar ah ee ku saabsan Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo heshiisyada Caalamiga ah, halka uu Guurtidana awood u siiyey Xeerarka ku saabsan Dhaqanka, Diinta iyo wixii la mid ah, Xeerar labada Golena soo mara wey jiraan, sidaas oo ay tahay Xeerka Maaliyadda waxa awood u leh oo Dastuurku siinaya waa Wakiilada, ee in la isku khilaafaba maaha”.

Mar uu ka hadlaayey ismarin waaga Xisbiyada ee Doorashada ayaa yidhi “Xisbigii Kulmiye wuxuu Xisbigii UCID ka dhigtay Awr cadaysimo ah, iyo salaan uu marsiisto wuxuu doono, markaas Xisbiga UCID waa looga wanaagsanaa in lagu guuro, oo Xisbiga Kulmiye uu ka dhigto Awr cadaysimo ah, maxaa yeelay Xisbiga Waddani wuxuu diidan yahay  waa la garanaya, oo wax qarsoon maaha, Xisbiga Waddani wuxuu diidan yahay inay dhacdo Doorasho dambe oo la musuqo, sidaas oo ay tahay Xisbiga UCID waxaa isna looga baahna inuu isna iska diido, balse taasi may dhicin, Komishankana Madaxweynaha ayaa awood u leh inuu kala diro, ee Madaxweynuhu waa inuu kala diraa, waxaynu ka war qabnaa in hore ay Komishanka u kala direen Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyo, balse Madaxweynaha wax ka hor istaagaya inuu Komishankan kala diro ma jiraan, ee waa inuu kala diraa”.

Mar uu ka hadlaayey Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ayaa yidhi “Boqor Buurmadaw wuxuu ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, Shirkan uu ku baaqayna aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, maxaa yeelay Shirkan labada Beelood, waa Shir muhiim ah, waa Shir walaaltinimada iyo wanaaga labada Beelood sii xoojinaya,waa Shir is afgarad wanaagsan laga gaadhi doono insha allaah, inay walaac laga muujiyo, oo loo hanjabo Boqor Buurmadawna waa khalad”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here