“Ma Muuqato Inay Doorasho Ku Qabsoomayso Shantaas Bilood”

0
627

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid

Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa warbaahinta uga waramay sababta keentay in xisbigaasi uu ganafka ku dhufto martiqaad uga yimid guddida doorashooyinka somaliland.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ah masuulyiinta inta badan wadahadaladii xisbiyada ee doorashada xisbiga Waddani ku matalaayay ayaa sheegay in aan wakhtigan doorashoba lagu qaban karin, walina aan la xalin arimhii doorashada hortaagnaa, waxaanu isaga oo Hargeysa warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi

“ Komishankan waakii xisbiga Waddani go’aan hore uga soo saaray ee kalsoonida kala noqday, mudo sanad iyo sadex bilood qiyaastii ah,wada shaqayna lama laha komishankaas maanta jooga inta uu joogana wada shaqayn la yeelan maayo, shaqo qusaynaysa doorasho la gali doono oo xisbigaasina ka maqan yahay in aanay ahayn tu wax taraysa, waxaana iisii muuqata sanad iyo badhkaasba waxa la lahaa doorasho ayaa qabsoomaysa hore waxa uu wakhtigu uga dhacay iyada oo aan qabsoomin, oo korodhsiimo golayaashii la siiyay,ma muuqato inay doorasho ku qabsoomayso shantaas bilood, wakhtigana waxa riday oo eedeeda leh cida qawaaniinta baal martay ee hadii eed la soo jeediyay sidii loo xalin lahaa gees martay ee carqaladaha jira ee lixda ah ee komishankuba uu soo jeediyay ee badideedu aanay Waddaniba u oolin ee aan wali midna laga xalin cidaas uunbaa yeelanaysa dibu dhaca doorahada mana filaayo inay doorasho qabsoomayso.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here