“Xukuumaddu Ma Ogola In Dhaliilaheeda Iyo Khaladaadkeeda La Sheego”

0
705

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri, oo ka mid ah Xisbiga Waddani, ayaa Xukuumadda ku dhaliilay xadhiga labada Telefishin, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddani tahay Xukuumad bilaa dulqaad ah oo Sharci daro ku cabudhinayso Saxaafadda Dalka.

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddu ma ogola in dhaliilaheeda iyo khaladaadkeeda la sheego, ee dulqaad la’aan ayey Saxaafadda ku cabudhinaysa, kuna xidh

xidhaysa,Xukuumaddani meel bay kaga dhacday xoriyadii Saxaafadda iyo xoriyatul qawalkii, halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaheeda ayey xadhiga Saxaafadda maciin biday, taasina waxba ku hagaagi mayaan”.

Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka waxaan leeyahay Doorasho dambe la idnku aamini maayo, cidina idinma rabto ee is casila, inta aanu wakhtigu idinka dhicin, muddo xileedkiini wax yar ba idin hadhaye”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here