Xeeldheereyaal Caafimaad Oo Ka Digay Khataro Caafimaad Darro Oo Ka Dhalan Kara Cunista Kalluunka Tuunaha

63
5417

Helsinki (Geeska)- Khubaro caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Umea oo ku taalla dalka Sweden ayaa xaqiijiyey in cunista kalluunku ay yarayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnuhu, laakiin dhanka kalana waxa ay ka digeen in la iska ilaaliyo cunista badan ee kalluunka noociisa loo yaqaanno Tuunaha oo ay sheegeen in badanaa ay la fal gasho maadadda Mercury oo aan u fiicnayn caafimaadka.

Cilmibaadhayaashan oo kaashanaya khubaro ka socota Finland iyo dalal kale oo reer Yurub ah ayaa si xeel dheer baadhitaan ugu sameeyey bal in waxtarka Asiidhka (Acid) dufanka ahi uu ka badan yahay khatarta maadadda Mercury ee noocyo kalluunka ka mid ah ku jirta, kaas oo laga qaado qaar ka mid ah xanuunnada ku dhaca halbawlayaasha dhiigga iyo wadne xanuun halis ah.

Daraasaddan oo si gaar ah u sii baadhay khataraha caafimaad darro ee ku jiri kara kalluunka ayaa si adag uga digtay in kalluunka noociisa Toonaha loo yaqaanno aan aad loo siinin carruurta, iyada oo sababtuna tahay in maadadda Mercury inta badan la falgasho hilibka kalluunka Toonaha.

Mercury waa cunsur kiimiko ah oo magaciisa cilmi ahaan loo soo gaabiyo Hg. Illaa hadda inta cilmi ahaan la og yahay Mercury waa sun si toos ah u abbaarta maskaxda, taas oo awood u leh in ay burburiso hab-dhiska neerfayaasha. Mercury waxa ay ka dhalataaa wax yaabo ka mid ah hadhaaga walxaha warshadaysan, tusaale ahaan waxa ay ka dhalan kartaa qashinka oo la gubo, isticmaalka dhuxusha iyo samaynta sibidhka. Waxa kale oo ay ka samaysmi kartaa dabeecadda iyo cimilada lafteeda, waxa ay inta badan ku samaysantaa biyaha badweynta, badahaya yaryar, webiyada iyo biyo xidheennada. Sida biyaha ayaa ay Mercury uumi bax samaysaa waxa aanay la fal-gashaa hawada oo gaadhsiin karta meelo fog, waxa kale oo ay la falgashaa qaar ka mid ah walxaha badda ku jira, sidaa awgeed inta badan waxa ay u gudubtaa kalluun badda ku nool.

Badaha aadka looga digana waxaa ka mid ah badda cad ee dhexe iyo badda gacanka carabta oo ay maadaddani ku badan tahay sidaa awgeed kalluunkoodu aanu caafimaadka u fiicnayn. Waxa ay khubarada caafimaadku ka digaan taabashada cunsurka Mercury, in loo dhowaado iyo in hawada uu la falgalay la neefsado.

Kalluunka noociisa Tuunaha loo yaqaanno oo hilibku ku badan yahay waa ka inta badna la warshadeeyo ee qasacadaha isaga oo ah la iibiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here