Xayawaanno Uu Aadamuhu Ka Dhigtay Hub Uu Cadowgiisa Kula Dagaalamo Ama Si Kale Colaado Uga Qayb Qaatay ‘Hoombarada”

0
771

 

Hargeysa (Geeska)- Waa qisadii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay ee ka warramaysay marar kala duwan oo taariikhda soo maray oo aadamuhu uu xayawaan u adeegsaday ciidan ama hub uu cadow iskaga difaacay ama ku weeraray.

Dagaalkii koowaad iyo dagaalkii labaad ee khaliijka ciidamada badda ee Maraykanku waxa ay aad u adeegsadeen xayawaan badeedka hoombarada loo yaqaanno oo si weyn uga caawiyey dagaalladii ay ku jireen. Tiro ka badan 70 xabbo oo ah hoombaro si aad u heersarraysa loogu tababaray xeeladaha dagaalka iyo xog ururinta milateriga ayaa dagaalladaas kaalin mug leh ka qaatay.

Hoombaradu waa xayawaan caan ku ah faham u sahla in si dhaqso ah oo tayo sarraysa ay ula jaanqaaddo tababarrada. Awoodaha dabiiciga ah ee ay maskaxda Hoombaradu leedahay ayaana si sahal ah ugu suurtogeliya in aanay ka hallaabin goobaha la baro, iyada oo adeegsanaysa jabaq celiska dhawaaq ay sii deyso.

Ciidamada Maraykanka ayaa si weyn uga faa’idaystay dareenkaas abuurka ah ee Hoombarada waxa aanay ka dhigteen aalad ay ku ogaadaan walax kasta oo shaki leh oo badda loogu beero, sida miinooyinka iyo walxaha qarxa ee badda lagu rakibo. Waxa aanay taasi u fududaysay in ay iska ilaaliyaan weerar kasta iyo ficil kasta oo colaadeed oo dhinaca badda ah. Waxa iyaduna xusid mudan in ciidamadda badda Maraykanku ay sannad kasta lacag dhan 14 Milyan oo doolar ku bixiyaan tababarrada heerkoodu sarreeyo ee la siiyo Hoombarooyinka milateriga ah.

Dagaalkii isbahaysiga Maraykanku dalka Kuweyt kaga saarayey ciidamadii Ciraaq ee qabsaday sannadkii 1990-kii iyo dagaalkii ka dambeeyey ee sannadkii 2003-da ay isla ciidamadii Maraykanka iyo xulafadoodu xukunka kaga tuureen madaxweynihii dalka Ciraaq Saddaam Xuseen ayaa taariikh ahaan loo aqoonsan yahay in ay yihiin dagaalkii koowaad iyo labaad ee Khaliijka.

Hoombarada sida uu qaamuuska Afsoomaaligu ku qeexayo waa Naasley badda ku nool oo leh af dheer oo u eg kan shimbiraha, midabkiisu korka sare waa madow, hoostana waa caddaan. Waxa aana la aaminsan yahay in uu leeeyahay garaad fiican oo la tababari karo.