Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in dadka xayawaanka rabbaayadda ah haystaa ay uga faa’iidaysan karaan habab ay xanuunka ay la nool yihiin isku illowsiiyaan, iyaga oo aan kaar jebin adeegsan.
Cilmibaadhayaasha ayaa qoraal cilmi oo ay ku faafiyeen Joornaalka ‘Applied Gerontology’ ayaa sheegay in waayeelka ay da’doodu 70 sano jirka dhaaftay ee qaba xanuunno kaar joogto ah ku haya oo ay la nool yihiin, in haddii ay xayawaanno rabbaayad ah haystaan ay xayawaannadaasi marar badan qalbigoodu furfuran, laguna arko qosol iyo farxad ay geliyeen, taas oo caawinaysa in ay acsaabtoodu furfuranto, kana dhigto qof firfircoon, iyada oo sida oo kalana ku dhiirrigelisa caadooyin caafimaad oo kale oo xanuunka iyo karaka wax ka tara.
Mary Janiewicz oo ah cilmibaadhe ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Michigan ayaa iyada oo ka hadlaysa natiijada daraasaddan ayaa sheegtay in marba marka ka dambaysa la sii ogaanayo muhiimadda ay leedahay in la helo habab iyo qorsheyaal uu qofku ku illaawi karo karaka uu ku hayo xanuunka uu la nool yahay, oo aan ahayn in uu dawooyin qaato. Arrintan oo ay muhiimaddeedu sii badanayso marka cidda laga hadlayaa ay tahay dadka waayeelka ah, oo inta badan dawooyinka ay xanuunnada haya u qaadanayaan ku keenaan raad taban oo mararka qaarkood ku keena khataro la mid ah ama ka sii daran khatarta xanuunka ay dawadan ka cunayeen.
Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa muddadii ay tijaabada cilmibaadhista wadeen waxa ay xoogga saareen la socoshada xaaladaha 25 ruux oo ahaa dad da’ ah oo xanuuno kaar ku haya la noolaa, kuwaas oo haysta ey ama bisado rabbaayad ah, waxaana soo baxday in xanuunka hayaa uu kala badh ka yaryahay xanuunka haya dadka la midka ah ee aan iyagu haysan xayawaan rabbaayad ah.
Dadkan ayaa la ogaaday in xayawaanka ay dhaqdeen uu kordhiyey dareenkooda togan, taas oo keentay in dareenkaasi uu sida dawada xanuun baabi’iyaha ah u illowsiiyo dhibta ay qabeen. Faa’iidooyinka ay xeeldheereyaashu sheegeen in xayawaanka la rabbaystaa u leeyahay dadka waaweyn, waxaa ka mid ah in xayawaankani uu marar badan ku abuuro dareen ka qosliya, in ay iyaga oo aan is dareensanayn xayawaankan la hadlaan muddada ay la macaamilayaan, iyo in guud ahaan la macaamilka xayawaankani uu ku abuuro dareen ku dhiirrigeliya la macaamilka iyo dhexgalka bulshada ka agdhow, iyo in uu mashquuliyo oo ay isu arkaan dad shaqo haya. Cilmibaadhiso hore ayaa sheegay in dadka waayeelka ah ee xayawaanka dhaqda ama rabbaysta iyo kuwa beeraha fashaa ay ka niyad fiican yihiin kana farxad badan yihiin kuwa da’dooda ah ee iyaga oo aan hawlqaban guryaha iska dhex jooga.