Qaladaad La Sameeyo Xilliga Maydhashada Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Maqaarka Qofka

0
1043

Washington (Geeska)- Qoraa u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Wendy Rose Gould oo inta badan warbixino ka qorta arrimaha la xidhiidha hab-nololeedka caafimaadka ku habboon ayaa maqaal ay dhowaan ku faafisay majaladda billaha ah ee ‘Real Simple’ oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qortay qaladaad ay sheegtay in dadku iyaga oo aan dareensanayn ay galaan marka ay maydhanayaan, kuna keena dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca caafimaadka iyo quruxda ah. Waxaana qodobbadaas ka mid ah:

  1. Xamaamka oo waqti dheer lagu qaato

Biyaha oo waqti dheer lagu jiraa waxa ay maqaarka ku keentaa ingag, kaas oo khatar ku ah caafimaadka maqaarka iyo quruxdiisa. Dr. Shari Marchbein oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ku dhaca, bare-sarena ka ah kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda New York ayaa ku talisay in qofku aanu maydhashada ku qaadan waqti ka badan Shan daqiiqo. Taas oo ay sheegtay in ay biyaha dhawris u tahay caafimaadka maqaarkiisana ilaalin u tahay.

Biyaha aadka u diirran/kulul oo lagu maydho

Dad badan ayaa jecel in biyaha ay ku maydhanayaan ay noqdaan kuwo diirran, laakiin Dr. Rita Linker oo ah xeeldheere ku takhasusay cudurrada maqaarka oo ka tirsan xarunta qalniinka ee Spring Street Surgery ee magaalada New York ayaa sheegaysa in ku maydhaashada biyaha kulul ama xamaamka uumiga ah ee kulaylku ku badan yahay, ay ka mid tahay qaladaadka waaweyn ee sababa in maqaarku uu waayo duxda dabiiciga ah ee maqaarka ku dahaadhan.

Khabiirku waxa ay sheegtay in inkasta oo ay run tahay in ku maydhashada biyaha kululi ay furfurto muruqyada iyo guud ahaan jidhka, qofkana ku abuurto furfurnaan iyo firfircooni haddana waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in dareenkaasi uu yahay mid waqti kooban ku joogsanaya, laakiin dhibta caafimaad ee ka dhalanaysa biyaha kululi ay tahay mid waqtigeedu dheeraan karo xaalado caafimaad darro oo aan fiicnaynna u sii gudbi karta. Khabiirku waxa ay ku talisay in qofku uu ku maydho biyo diirrimaadkoodu yar yahay, isla markaana soo koobo muddada uu jidhkiisu biyaa ku jirayo.

Saabuunaha jidhka lagu xoqo

Isticmaalka walxaha lagu maydho ee maqaarka sida aadka ah u xaqa, sida saabbuunka xanafta leh, iyo guud ahaanba saabuun cadarta, iyo saabuunaha bakteeriyada lagula dagaalamo dhammaantood waxa ay maqaarka ku keenaan ingag badan oo marka dambe noqda boogo iyo madow jidhka fuula.

Dr. Shari Marchbein waxa ay sheegaysaa in ay lagama maarmaan tahay in laga fogaado ku maydhashada saabuunaha, (saabuunta adag iyo ta dareeraha ah labadaba) udugga xooggan leh, waxa aanay soo jeedinaysaa in la raadsado waxyaabaha marka jidhka lagu nadiifinayo aan u baahnayn in xoog loogu xoqo, sida oo kale saabuunaha dufanka leh ayaa jidhka u fiican, gaar ahaan xilliyada xagaaga.

Liifka iyo walxaha kale ee jidhka lagu xoqo

Dr. Linker oo iyaduna ka hadashay liifka dadka qaar isku xoqaan marka ay maydhanayaan si ay uskaga isaga dhammeeyaan, ayaa aad uga dayrisay isticmaalkiisa. Waxa ay sheegtay in xoqistu maqaarka dhaawacayso, ta ka sii daranina ay tahay in liifkani uu hoy u noqdo bakteeriyada iyo wasakhda oo ku khamiirta, sidaa awgeed uu dhibaato caafimaad qofka ku keenayo. Haddiiba ay dhacdo in la isticmaalo, waxa ay dhakhtaraddu ka digaysaa in laba qof iyo ka badan lagu wada isticmaalo hal liif, xitaa haddii qoyska dhow ay yihiin. Waxaa muhiim ah in bil kasta la beddelo liifka iyo in mar kasta oo lagu maydho la qallajiyo. Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in mar kasta la isticmaalo tuwaallo aan jidhka xoqayn, si joogto ah loo nadiifiyo, muddo gaabanna lagu bedbeddelo. La soco…

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here