Xawaaladda Worldremit Oo Si Xawli Ah Ugu Shaqaynaysa Dadka Ku Nool Somaliland

0
857

Xawaaladda WorldRemit oo ah shirkadda hogaamisa lacagaha la iskugu diro dhinaca dijitaal-ka ah kana soo dirta in ka badan 50 waddan una soo dirta 150 waddan oo ay ku jirto Somaliland, ayaa si xawli ah ugu shaqanaysa dadka ku nool Somaliland wakhtigan uu xanuun-ka Covid-19 saameeyay xawaaladdaha aduun-ka. Xawaaladdan oo marka aad isticmaalayso si fudud lacag laguugu soo diri karo ama aad uga dirsan karto adiga oo isticmaalay telefoonka gacanta (WorlRemit Application) ama mareegta shirkadda (www.worldremit.com)

Axmed Cismaan Taani oo ah agaasimaha shirkadda WorldRemit qaybta ay ku leedahay Somaliland ayaa ka waramaya sidan fudud ee ay shirkaddu ugu adeegayso macaamiisheeda wakhtigan uu xanuunka COVID-19 saameeyay aduunka oo dhan.

Lacag ma la ii soo diri karaa wakhtigan uu xanuunku Covid-19 aduunka ku faafay?

Haa! Wakhtigan oo ah wakhti ku adag qof kasta oo aduunka ku nool, waxaan u xaqiijinayaa macaamiishayadda in aanu sii wadno adeegga lacag diridda iyo helida lacagaha loo soo dirayo wakhti kasta 24/7.

Macaamiishayadda iyo dadka ku nool Somaliland ee lacag loogu soo diro adeegga WorldRemit waxa ay si degdeg ah lacagtoodu ugu dhacaysaa adeegga Zaad ee ay ka isticmaalaan telefoonka gacanta ama addeegga WorldRemit Wallet. Shirkaddu waxa ay iskaashi la leedahay Shirkadda Telesom.

Adeegga Zaad ee ay higalisay shirkaddda Telesom waxa uu ka shaqeeyaa dhamaan wadanka oo dhan una saamaxaya qofka in uu lacagtiisa ku helo, ku keydsado, ku adeegto ama uu kala baxo marka uu u baahanyahay.

Macaamiishayadda Somaliland Waxa loo soo diri karaa lacag gaadhaysa $5000 (Shan Kun oo Dollar) halkii dhaqdhaqaaqba (per transaction)

Hadii aan Lacag xawaladeed oo Kaash ah u baahdo sideen ku heli karaa?

Mar hadaad si degdeg ah lacagtaada ugu helayso adeega telefoonka ee Zaad waa ay fududahay in aad lacagtaada la baxdo marka aad u baahato adigoo booqanaya xarumaha shirkadda Telesom ee wadanka oo dhan ku yaala.

Adeegga WorldRemit waxaa lagaaga soo diri karaa lacagta wakhti kast (24/7) iyada oo la isticmaalayo WorldRemit App ama mareegta shirkadda (www.worldremit.com)

Lacag ma ka diri karaa Somaliland?

Haa waad ka diri kartaa lacag Somaliland adiga oo si toosa ugu diri kara in ka badan 120 waddan. Waxaa lagaaga baahanyahay in aad soo dejisato, iskana diiwangaliso barnaamijka telefoonka (worldremit app) ama mareegta shirkadda (www.worldremit.com).

Waxa aanu dheernahay xawalaaddaha kale anaga oo awood u leh in aanu lacagtii laga dirsaday wadanka lagu bixinayo xulashooyin kala duwan oo macmiilku kala dooran karo sida   adeegga telefoonka (mobile money), lacag cadaan ah (cash pickup) ama loogu shubayo bangi (bank deposit).

Wadamadda aanu u dirno waxaa ka mid ah Kenya, Ethiopia, SouthAfrica, India, China, Pakistan, Bangladesh, Philiphine, Indonesia, Canada iyo Europe inteeda badan oo ah wadomo ay ku xidhan yihiin dadka ku nool Somaliland.

Wixii faahfaahin dheeraad ah macaamiishayadu waxa ay la soo xidhiidhayaan telefoon-ka xafiiska 523737

Saamayn intee leeg ayuu faafida xanuunkani idinku yeeshay?

Wadamadda aanu ka shaqayno qaarkood waxa aanu aragnay iyada oo 100% loo wareegay dhinace digital-ka ah oo aanu lacagtii ku bixino (bank accounts, mobile money or airtime top up) – tusaale ahaan wadanka Thailand iyo Fiji. Laakiin wali waa goor hore in la yidhaah waxaa loo wada wareegay dhinaca dijital-ka ah (cashless). Lacagta cadaanka ahi wali iyadaa caan ka ah aduunka oo ay isticmaalaan dad badani.

Ma jirtaa fariin aad halkan u marinayso akhristayaashayadda?

Waanu ognahay in adeegga xawaaladdu kaalin muhiim ah kaga jiro wadanka Somaliland iyo sida ay manta ugu baahanyihiin dadkii soo diri jiray lacaguhu ee ay saameeyeen xanuunkan faafay. Waxaan doonaynaa in macaamiishayaddu is ilaaliso inta ay karaan oo qofka oo gurigiisa jooga lacagtii ka dirsan karto xawaaladda WorldRemit ama uu ku heli karo lacagtii loo soo diray ee ugu dhacaysa adeegga Zaad.

Wakhtiyaddan oo kale waanu ognahay dareenka dadka ee ku wajahan qof ehelkii ama saaxiibkii ah oo ka fog oo xanuunkani saameeyay si toosa ama si dedban, sidaa daraadeed waanu sii libi laabnay sidii aanu fudaydin lahayn in si dhakhso qofku u helo lacagtii loo soo diray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here