Maxamed Mukhtaar Maxamuud Oo Kaalinta 2aad Ku Guulaystay Tarkanka Caafimaadka Taranka Ee Qoreyaasha Da’da Yar

0
1282

Ururka horumarinta dhallinyarada ee Somaliland Y-PEER ayaa bishii saddexaad qorayaasha da’da yar ee dhallinyarada ah u qabtay tartan ku saabsan caafimaadka taranka iyo dhallinyarada. Guddidii qiimayntu waxay kaalinta 2aad guddoonsiiyeen Maxamed Mukhtaar Maxamuud oo ku nool Hargeysa. Hoos ka akhriso maqaalkiisa.

Dhibaatooyinka gudniinka gabdhuhu u leeyahay caafimaadka taranka (WQ: Maxamed Mukhtaar Maxamuud)

Hordhac

Gudniinka gabdhuhu waa mid ka mid ah caadooyinka gurracan ee weli ay ku dhaqmaan dad kala duwan oo ku nool waddamo badan oo adduunka ah. Inkastoo horumarka dhanka caafimaadka iyo tiknoolojiyadda ee la gaadhay ay wax badan ka tareen hoos-u-dhigga gudniinka caafimaad, haddana  Ururka Caafimaadka Adduunkaa ee WHO waxa uu ka digayaa in weli Gudniinka Fircooniga si baahsan loo sameeyo.

Gudniinka fircooniga oo ah jaritaan guud oo lagu sameeyo xubinta dareen wadka dumarka ayaa gabdhaha ku keenta dhibaatooyin farabadan maadaama xitaa dadka qaar ay jar-jaraan goobaha ku dhow dhow xubintaas.

Intaas kadib waxaa xiga qodbitaan ama tolliin lagu sameeyo dhamaan meelihii la jar jaray taas oo ka dhiggan in la baabi’iyey shaqadii ay gudan lahayd xubintii dareen wadka dumarka .

Inta badan waxaa dhacda xilliyada caadada marka la gaaro in gabdhaha sidaas loo guday ay xinjiro dhiigga ku istaagaan taas oo keenta xanuun farabadan oo gumaarka ah iyo sidoo kale kelyo xanuun.

Aniso Maxamuud oo ka mida gabdhaha fircooniga u gudan dhibaatooyin badanna kala soo kulantay ayaa tiri “ Gudniinka firconiga dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay aniga waan xanuunsan jiray marka dhiigga caadada uu ii soosocdo mindhiciraha iyo kelyaha ayaa i xanuuni jiray.’’

Raadreebka caafimaad daro ee gudniinka fircooniga ka dhasha waxaa kaloo ka mida jeexitaan lagu sameeyo xubinta taranka xiliga dhalmada.

Gabdhaha sidaa loo gudo dhibaatooyinka ugu badan waxay la kulmaan xiliyada gabar nimadeeda, maalmaha guri galkeeda ugu horreysa, iyo marka ay dhalayaan waa Saddexda mar xaladaad oo qatartooda leh sida ay sharaxayso mar kale Aniso Maxamuud .

‘‘Markii la i guursaday waan dhiigbaxay dhalmadii markaan gaarayna waan ku dhibtooday, waa la i jarjaray Todobo beri kor waa u kici waayay dhiig badan ayaa iga baxay cengerigii oo i mud mudaayo dhimasho ayaan ku dhowaaday’’:

Waa kuwee dhibaatooyinka ka imaan kara gudniinka gabdhaha

Dhibaatooyinka jidhka soo gaadhaya:

  • Caado xanuun leh
  • Kaadidoo dhib iyo xanuun leh
  • Cudurrada kaadimareenka
  • Dhib iyo xayirnaan kolkay marayso shaybaar ama baaritaanka xubinta taranka
  • Xanuun ama karti la’aanta galmada
  • Nabarro xubinta taranka
  • Ciriiriga xubinta taranka haweenka
  • Raaxo ama istareex la’aan marka la isu tagayo
  • Dhibaatooyinka ama qatarta dhalmada, oo sababaya in ubadka lugu qalo ama ay dhicisaan
  • Qatarta dhiigbax daran iyo ummulraac oo ay sabab u tahay marka la jaro meel hore u biskootay oo gudniinka kaddid is qabsatay Dhibaatooyinka dareenka qalbiga iyo cilaaqaadka wax u dhimaya:
  • Isku kalsooni la’aan
  • Qalbi jab
  • Walaac
  • Cilladda walaaca ka dhasha shoog kaddib

Xaggee ka soo jeedaa gudniinka gabdhuhu?

Waxa la sheegaa inuu gudniinkani bilowday waqtigii Faraaciinta Masar, ka dib markii reer Bani-israa’il oo waqtaasi la gumeysan jirey nin faalalow ahi u sheegay boqorki xilligaas inuu talada kala wareegi doono wiil ka dhalan doona dadka ay gumeystaan. dabadeedna uu amar ku bixiyey in la (gudo) oo la tolo dhamaan naagahooda, waxana muhiimadaasi qabanayey Umulisooyin la shaqeenayey boqortooyada, si loo kantaroolo guur-kooda, uurkooda iyo dhalitaankooda, ka dibna wixi wiil ah oo xiligaasi dhasha lagu amri jirey in la dilo.

Noocyada gudniinka

Waxa loo qeybiyaa ilaa 3 nooc

1.Waxa la jaraa Kintirka (Clitoris).

2.Jaridda kintirka + faruuryaha yaryar iyo faruuryaha waaweyn (Labia Minora & Labia Majora).

3.jaridda kintirka + faruuryaha + tolliin.

Saddexdaasi nooc ayaa intaba laga isticmaalaa soomaliya, inkastoo nooca u danbeeya aad looga isticmaalo waddanka Sudan.

Dhibaatooyinka gudniinka

Aad ayay u fara badan yihiin, waxa loo kala qaadaa laba nooc.

1.5.1. Dhibaatooyin soo deg-dega:

  1. Waxa ka mida dhiig-bax fara badan oo sababi kara dhiig-yari
  2. In la jaro qaar kamida kaadi-mareenka sida ibta oo kale (Urethra)
  3. Xanuun daran waqtida gudniinka oo sababi kara suuxdin
  4. Huritaan ama nabarka oo infekshan qaada
  5. Kaadida oo ku dhegta (Incarceration of urine)
  6. U gudbin cudurada faafa sida Teetano qalabka oon nadiif ahayn dartii.

1.5.2. Dhibaatooyinka Mustaqbalka:

  1. Dhiigga-Caadada oo ku adkaada
  2. Foosha oo ku cuslaata (Obstructed Labor)
  3. Xanuun xilliga galmada
  4. Dhibsasho galmada himiga jinsiga oo yaraada awgii
  5. Furitaanka lammaanaha is qaba oo siyaada

Dhaqanka Soomaalida iyo fikirka ku aadan gudniinka gabdhaha

Dad badani waxay ku doodaan in aan laga tegin dhaqankaan, waxayna aamin-sanyihiin inuu fa’iido u leeyahay dhalinta, gaar ahaan gabdhaha, iyagoo ku andacoonaya in gudniinka lagu ilaalinayo Gabar-ahaanta hablaha.

Halka qaar-kalena rumeysan yihiin iney tahay wax-diini ah oon laga tallaabsan karin marna, sidoo kale waxa jira soomaali badan oo qabta inuu yahay kintirka dumarku (Najaaso) ama cad xun, sidaa darteedna ay ceeb tahay i gabari noqoto kintirleey.

Sidoo kale Gudniinka Fircooniga ah waxa uu tirtiraa dhammaan wasladda hammad kordhinta ee haweenka ee ku daboolan xubinta tarankeeda iyo xataa dhinacyada xubintaba. Ma jirto meel ay Shareecada Islaamka kaga soo aroortay gudniinka darran ee lagu sameeyo gabdhaha. Shareecada Islaamku waxay oggoshay in gabdhaha lagu sameeyo gudniin fudud kaas oo ah in caarada kore laga jaro wasladda hammad kordhinta ee xubinta taranka haweenka iyada oo aan laga daadin dhiig, loo geysan dhaawac xun hareeraha xubinta taranka isla markaana aan saamayn xun ku yeelan caafimaadka nolosheeda iyo raaxada galmadeeda marka gabadha la guursato. Gudniinka noocan ah ee fudud waxba uma dhimo abuuritaanka hammadda gabadha.

Galmadu waa shay dabiici ah oo qofka Eebbe ku abuuro inta uu noolyahay waana raaxo muhiim ah oo naftu iyo jidhku u baahanyihiin inay helaan [Spiritual pleasure and physical gratification]. Xilliga hordhaca galmada [Sexual foreplay] haweenka wakhti ka dheer ka ragga ayaa ay ku qaataan kicinta hammadooda waxaana arrintaas sii murgiya oo sii dheereeya Gudniinka Fircooniga ah sababta oo ah waxaa ka go’an wasladda dedejisa kicinta hammadda galmada.Goynta wasladda hammad kordhinta ee gabadha waxay la midtahay goynta qaybta hore ee xubinta taranka ragga. Xubin ka mid jidhka qofka oo Eebbe (S.W.T) u abuuro raxaada nafta iyo jidhka ee sayga iyo oorida xilliga galmada ma banaana in la gooyo sababta oo ah waxa ay ka horimanaysaa abuuritaanka Eebbe.

Shareecada Islaamku aad ayay u difaacdaa xuquuqda raaxada galmada ee haweenka waxa ayna qabtaa in ragga iyo haweenku ka simanyihiin xuquuqda galmada oo dhinac kastaba xaq u leeyahay inuu helo. Ujeedada guurka waxa weeye in lammaanuhu kala helaan raaxo, ubad, iyo inay ka horjoogsato dembiga macsida ah ama sinada. Waxay kale oo raaxada galmadu u suurtogelisaa lammaanaha inay ku noolaadaan xasilooni, jacayl, kalgacal, iyo naxariis. Eebbe (S.W.T) isaga oo tilmaamaya wanaagga iyo qiimaha guurku leeyahay ayaa waxa uu Suuradda Arruum, aayadda 21aad ku leeyahay, “Oo waxaa ka mid ah Aayadihiisa inuu nafihiinna idiin abuuray ooriyo si aad ugu xasishaan, waxaanu ka yeelay dhexdiinna [Ragga iyo haweenka] kalgacal iyo naxariis. Waxaa runti arrintaas ugu sugan calaamooyin [Caddaymaha jiritaanka Eebbe] qoomka fekera.” Haddii ooridu ka dhawacantahay xagga galmada oo aanay ka helin raaxadii ay xaqa u lahayd ee Gudniinka Fircooniga ah ka duudsiyay waxaa hubaal ah inuu dhaawacanyahay isna kalgacalka ama jacaylka ay u hayso saygeeda oo runtii aad u sarrayn lahaa haddii aan hammadda laga dhaawicin.

Tixraacyo:

  • Somaliwayn.com
  • Goobjoog.com
  • BBC.com
  • Caasimada.com

Maxamed Mukhtaar Maxamuud

Tell: +252 63 4664349

Email:maxamedamiin4664@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here