Fanaanadii Caanka Ahayd Ee Kinsi Xaaji Aadan Oo Shalay Lagu Aasay Hargeysa

0
1680

 

mijintaHargeysa(Geeska)-Alle haw naxariste waxa shalay magaalada Hargeysa lagu aasay marxuumad Kinsi Xaaji Aadan, oo ahayd fanaanad caan ka ah gobalka Geeska Afrika.

Marxuumad Kinsi ayaa u geeriyootay xanuun muddo hayay, waxaana shalay aaskeeda ka qayb galay bulsho tiro badan. Kinsi Xaaji Aadan oo ku magac dheerayd Caqaarta ayaa ka mid ahayd fanaaniinta caanka ka ah geyiga Somalidu degto. Kinsi Xaaji Aadan waxay fanka ku biirtay sannadihii todddobaatanaadkii markaas oo ay ku soo gashay xawaare sareeya iyadoo markiiba ka mid noqotay fanaaniinta loogu jecelyahay.

Warbixin ku saabsan fanka Kinsi Xaaji Aadan oo lagu qoray Bogga lagu falanqeeyo fanka iyo Suugaanta Somaliland ee walaalaha Ilma Axmed Shunuuf ayaa lagu sheegay in Kinsi markii ay fanka ku biirtayba la soo baxday muwaahibo dhinaca fanka ah iyo cod toolmoon oo ay bulshadu aad u xiisayn jirtay. Heesaha dareenka leh ee boggaas lagu xusay inay Kinsi Xaaji Aadan ku caan baxday waxa ka mid ah ‘Ana laanta ubaxa adaan kuu lulayaa.” Oo ah hees dadka fanka xiiseeyaa aad u jeclaystaan marka ay ku luuqaynayso. Waxa kale oo bogan lagu sheegay in Kinsi Xaaji Aadan riwaayadaha ay ku jirtaa aad u soo jiidan jireen dhallinyartii xilliyadaas iyo kuwan dambeba.

Riwaayadaha kala duwan ee ay ka qayb gashay waxa ka mid ahaa

Waa Maadeys aduunyadu dadkuna way matalayaan oo uu alifay Abwaan Sangub.

· Masiibadu aduunyada iyadaa u macalina oo uu curiyey Abwaan  Xasan Ganey

· Abaalku raggu geystiyo Ilowshiyo Haween oo uu sameeyey Abawaan Jaamac Daad.

Heesaha kale ee lagu xasuusto waxa ka mid ah

Wajiyeaal Is xusuustaa

· Iminka dhudhumiyo

· Hablow guurku waa dane dib u soo baraaruga

· Lama hubo hal fooftay  inay caawa soo hoyan.