Xasuusta Murugada Leh Ee Xasuuqii Jasiira

0
1100

can jeexAkhristayaal, cadadkii shalay waxaanu idiinku balan qaadnay inaanu idiin soo gudbino jawaabta uu xasuuqii  xeebta Jasiira ka bixiyay Gen.  Ibrahin Cali Barre (Canjeex) oo markii uu xasuuqu dhacay ahaa Taliyaha guutadalabaad ee Taangiyada, ahna sida aad waraysiyadii hore ku aragteen ninka la sheegay inuu bixiyay amarkii lagu laayay muwaadiniin reer Somaliland ah oo ay tiradoodu 50 ruux ku dhawayd kuwaas oo sababta keliya ee lagu laayay ahayd haybtooda reernimo.

 

 

Canjeex, waxa waraysigan uu isku difaacay  dabayaaqadii sannadkii 2002 la yeelatay shabakadda reer Somaliland ee SDWO, waxaanu bixinayaa xogo badan oo kala duwan inkastoo uu si indho isku qabad ah isku difaacayo. Canjeex iyo waraysigii lala yeeshay wuxuu u dhacay sidan:

Maxaad wakhtiigaa xukuumadii siyaad barre ka ahayd?

Taliyaha guutada labaad ee Taangiyada.

Maxaad se qaabilsanayd?'

Taangiyada.

 Habeenkii xasuuqii jasiira, halkeed ku sugnayd?

 Magaalada Xamar, xerada Guutada labaad eeTaangiiyada.

 Maxaad u malaynaysaa in laguugu eedeeyay xasuuqan?

 Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay kacdoon shacbi ah oo weyn  oo dowlada lagu afgambinayey 14/07/1989 kii,ciidamada xukuumadu waxay  u diyaar garoobeen in ay difaacaan xukuumada , sida anigu aan maqlay wasiirkii Gaashaandhiga,Taliyaha xooga,Taliyaha, hoggaanka hawlgalinta,Taliyayaasha Ciidamada sida  badda,cirka iyo Taliyaha kuliyadii jaallle siyaad.  Rag janaraalo ah oo noocaas ah ayaa ciidamada amarka siinaayey. Aniguna gacan ayaan ka jabnaa waxaanan ku  sugnaa xerada guutada labaad ee taangiyada. Habeen ay bishu ahayd 17 saacaduna ahayd 23:00 waxaa ila soo  xidhiidhay Taliyaha xooga  waxuuna  igu amray in aan tago huteel Daamay oo agtiisa dhibaato lagu sheegay ,waxaan u yeedhay laba sarkaal 1)Maxamed cabdilaahi Buraale(ina wilad)Habarjeclo-cibraan-reer cigaal-reer Axmed. waxaanu ahaa taliyaha hawlgalinta  guutada ee guutada labaad ee taangiyada. Iyo sadex xadhigllle Maxamuud  afrax shunuunac (duduble) hawiye.  Waxaanan ku idhi askar inoo soo kaxeeya ,saddex baabuur oo biijiiyayaal ah oo ciidan ah ayaan saaranyahay ayaan kaxeysanay waxaan  tagnay hutel daamay waxaan la kulanay Dahir Cali Daamay oo Maruursade ah  lehna huteelka ,waxaa uu noo sheegay in aagan xasilooni ka jirto ,waxaan markaa kula xidhiidhay fooniyaha  una sheegay in aagani xasiloonyahay oo aanu waxba ka jirin, waxa uu igu yidhi u tag gaaska afariyo tobnaad 14aad waana booliis milataariyo ,waxaan ku idhi  taliye mahagaagsana in ay isu tagaan labadan ciidan oo hubaysani oo isla saacadani  ah. Waxaad ku sugtaa ayuu yidhi  Tarabuunka abaar 12:30-01:00 waa yimaadeen  waxaan tagnay dhamaantayo Buuloxuubay oo aan naga fogeyn  markaa.  Taliyayashii naftoodii ayaa yimid  waxay bixiyeen amar ah dhalinyarada reer  waqooyiga in la raafo dhanaana la geeyo, markii amarkaais sidaa ku dhamaadey waxaan ka codsaday taliyaha xooga in aan xeradaydii ku noqdo , waxuuna amar igu siiyey in aan joogo , abaaro labadii habeenimo 2 halkaas ayaa raafkii ka bilaabmay ,qoladii koofiyada guduudu amarkii waa jabiyeen waxaanay soo ururiyeen saraakiil sare,odyaal ,ganacasato,maadaama aan meesha joogey aniga iyo sarkaal kii isaaq ,waxaan diidney in dadkaasi la raafo raga ay soo raafeen waxay ahaayeen saraakiil waxaana ka mid ahaa

1-Gaashaanle sare Ibrahim Ruush, Habar awal ciidamada cirka .

2-Gaashaanle sare Xuseen Kharashyare waa garxajis

3-Gaashaanle sare sumuni musse cabdale 

4-Cabdilahi caga dable ,Ciidamada Hangashta, Habaraawal

5.Gaashaanble sare Engineer Food , Habaryoonis badhulbahante.

6-Gaaashaanle sare Xuseen dheere Habaryoonis

iyo rag badan oo saraakiil ah oo u badnaa nabadsugida. …..La Soco