Guddoomiyaha Xuquuqal Insaanka Qaranka Oo Bilad Guddonsiisay Barkhad Jaamac

0
938

 

Hargaysa(Geeska) Gudoomiyaha komiishanka  xuquuqul insaanka ee Somaliland Marwo Aamina Cabdilaahi Axmed ayaa shalay gudoonsiisay Barkhad Jaamac Xirsi shahaado sharaf uu komiishaka xuquuqul insaanku ku siiyay dhiirigalinta barnaamij ku saabsan cadaalada oo uu ka sii daayo telifishanka HCTV, barnaamijkaas ayaa ah mid ku saabsan dhanka cadaalda iyo garsoorka Somaliland sidii loo hagaajin lahaa.

Kulankan lagu gudoonsinayay shahaado sharfta Bakhad oo ka soo tabiya tilifishanka HCTV barnaamij ku saabsan cadaalada ayaa waxa uu ka dhacay xarunta komishanka xuquuqul insanka ee somalilnd.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadashay gudoomiyaha komishanka xuquuqul insaanka Marwo Amina Cabdilaahi Axmed oo amaan u soo jeedisay Barkhad iyo barnaamijka cadaalda ee uu sojediyaba waxana hadaldeedii kamida “Waxaanu idiinku mahad  naqayaa ka soo qab galka aad ka soo qayb gasheen munaasabdan aan doonayno inaan ku maamusno Barkhad Jaamac Xirsi oo ah shaqaalaha HCTV, Barkhada oo barnaamij aad u wanaagsan ka wada Tv-ga. Barnaamijkaas oo ka hadla cadaalada Somaliland iyo sida loo baahan yahay in cadaalada loo sugo oo loo hagaajiyo , run ahaantii waxaan ugu mahadnaqaynaa sida wanaagan ee wadani nimada leh ee ay mawduucasi xaasasiga ah ee hadii la eego ah mawduucyada ugu wanaagsan Somaliland inay u soo jeesato wax ka qabashadiisa iyaga oo waxyaabo badan oo kala danbeeyay ka qabtay. Markaa maanta munaasabadan waxa doonayaa in aan ku gudoon siiyo shahaado sharaf Barkhad, waxanan is lenahay saxaafadu waxa weeye ciidamada intooda ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in ay ka hawl galaan mujtamaca baahiyahiisa kala duwan siiba cadaalada, hawlbadan ayaana u taala saxaafada oo ah inay dhinacyo badan bulshada ka wacyi galinayaan, sidaas darted aad ayaan ugu mahad naqaynaa Barkhad iyo HCTV-ba kaalinta wanaagsan iyo siday isaga xil saareen inay arimahaas ka qaybtaan”

Sido kale waxa isaguna hadalo kooban halkaas ka soo jeediyay agaasimaha tilifishanka HCTV Maxamed Cabdi Ilig oo ka warbixiyay sida ay mudooyinkan danbe isgu hawleen sidii wax ay uga qaban lahaayeen dhankooda hagaajinta cadaalda iyo garsoorka Somaliland hadaladiisana waxakamida “HCTV waxa uu isku dayay inuu dhibaatada ka jirta cadaalada dalka uu wax ka qabto isla markaana ay bulshadu ka dhex muuqato, isaga oo taas ka duulaya ayaa waxa uu sameeyay inuu la xidhiidho dad aqoon uleh sharciga, dad gudbin kara baahida bulshada ahaysa, dad gudbin kara dhibaatooyinka kala duwan ee ay bulshadu tabanayso ee dhinaca cadaalda,garsoorka iyo xuquuqda aadamaha. Waxyaabahaas oo dhan maadama oo loo baahan yahay qof aqoon iyo karti u leh oo ka soo baxi kara ayaan dooranay inuu Barkhad Jaamac noqdo qoka aan door bidnay inuu kaalintaas ka soo baxo.”