Galdaloolooyinka Safarkii Madaxweyne Silanyo Ee Shalay

0
915

 

Geeska Afrika Staff Writer

intii aan ka warqabin qaban qaabada safarka Madaxweyne Siilaanyo shalay ku tagay gobalada galbeed ee dalka qaarkood, waxa ay subaxnimadii shalay ogaadeen in Madaxweynuhu u jarmaaday Borama oo uu Gabileyna durduro ku dhaafay.

Safarkaas Madaxweyne Siilaanyo wuxuu salka ku hayay ka qayb galka xaflad qalin jebin ah oo loo sameeyay ardayd dhammaysatay waxbarashada jaamacadda Camuud kuwaas oo uu kala qayb galay damaashaadka qalin jebintooda. Marka si guud loo eego in Madaxweynuhu safar ku tago Borama magaca uu doono haw bixiyee waxay ahayd mid la soo dhaweeyay sababta loogu riyaaqayna waxay ahayd inuu soo dabiibo guux ka jiray magaalada Borama iyo guud ahaan gobalka Awdal oo xataa ka gudbay xadkii mucaaridnimo una talaabay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. 

 

Socdalkaas Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa kii u horeeyay ee intii uu madaxweynaha ahaa ku tago magaalada Borama oo ah gobalka uu ka soo jeeday ninkii uu doorashada kaga guulaystay waxa ay dad badani filayeen inuu ugu yaraan laba habeen u hoydo si ula kulmo wax garadka iyo umadda Borama oo uu dooxo tabashooyinka kala duwan ee ay xukuumadiisa ka tirsanayaan. Laakiin taasi ma dhicin Madaxweynuhuna saacado ka dib wuxuu ka soo huleelay magaalada Borama. Sidaas daraadeed dadkii filayay in safarka Siilaanyo ee Borama uu midho dhalo candhuuftooda ayay dib u liqeen. 

 

Waa waajib in Madaxweynuhu si u u ardayda u dhiirigeliyo uu ka qayb galo xafladda Jaamacadda, laakiin Borama waxa yaala arrimo ka culus ka qayb gal xafladeed, kuwaas oo aan safar saacado ah lagu xalin karin balse u baahnaa kulan doceedyo kala duwan iyo shirar toos ah oo uu bulshada gobalka ugu mudan la galo si ugu yaraan loo wada hadlo la isagana soo dhawaado halkii hore loo kala taagnaa.

 

Dhinaca kale ceeb labaad ayaa safarkii Madaxweynaha ee shalay ka soo if baxday ka dib markii uu magaalada Gabiley ee gobalka Gabiley kala kulmay dibad bax lama filaan ah. Inkastoo ay dadka dibad baxaas sameeyay ahaayeen kuwo kooban haddana wuxuu muujiyay tamar darada hay’adaha sirdoon iyo amni ee gobalka oo xataa habeenimadii ka horaysay safarka Madaxweynaha ogaan kari waayay in la abaabulayo mudaharaad ka dhan ah Madaxweynaha, xog la’aanta amni iyo sirdoona waa maaha mid ku kooban safarka Madaxweynaha ee shalay waase mid ay xukuumadda Siilaanyo caan ku tahay.

 

 Sidaas daraadeed labadaas ceeboodba waa galdaloolooyinka ka soo baxay safarkii Madaxweynaha ee shalay, si gaar ahna socdaalka uu ku tagay Borama wuxuu u muuqdaa inaanu wax macno ah soo kordhin marka laga reebo sii socod iyo soo socod iyo dadweynaha oo ogaaday in Madaxweyne Siilaanyo saacado joogay magaaladooda Borama.