Xasan Sheekh Oo Lagu Cambaareeyay Caleemo-saarka Madaxweynaha Masar Ee Uu Tagay

0
539

Muqdisho(Geeska)-Urur diimeedka Islaax ayaa si adag u cambaareeyay ka qayb galkii uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka qayb galay caleemo saarkii madaxweynaha cusub ee Masar cabdifataax Alsisis.

Bayaan uu ururku shalay soo saaray ayaa waxa lagu sheegay in Al Islaax cambaaraynayso ka qayb galkaas Xasan Sheekh. “Waxa ay xarakadu dhaleeceyneysaa gumaadka bahalnimada ah iyo afganbiga akhlaaqla’aanta ah ee ka dhacay dalka Masar Waxa ay Xarakadu cadeyneysaa in ay xaaraantahay sharcigana khilaafsantahay u hanbalyenta, dhiirigelinta iyo ka qeyb galka caleema saarka danbiile dadkiisi gumaaday, isla markaana waxa ay canbaareyn adag u jeedineysaa ka qeyb galka madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud caleema saarkaas.” Ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka, waxaanay intaas raaciyeen, “Ugu Danbeyn Xarakadu waxa ay ku boorineysaa madaxda qaranka Soomaaliyeed in ay hirgeliyaan kuna tilmaansadaan mabaadi’da iyo qiyamka ku qotoma ixtiraamka nafafta Aadanaha iyo Sharaftiisa.”

Qoraalkan warsaxaafadeedka ah waxa ku saxeexnaa Maxamed Cabdillaahi Tawakal oo la sheegay inuu yahay xoghayaha guud ee Islaax