Akadamiga Nabada iyo Horumarka Oo Hargeysa Ku Soo Gabagabeeyey Shirkii Daneeyayaasha Nabadda

0
529

Picture3Hargeysa (Geeska) -Akaadamiga horumarka iyo nabada ee Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku soo gabagabeeyey shir saddex maalmood socday oo ahaa kullankii shanaad ee daneeyayaasha nabada.

Akadamiga ayaa intii uu shirku socday ku soo bandhigay xogo ay laba sano ka sameeyeen gobolada dalka Somaliland, kuwaas oo salka ku hayey hirgelinta tiirka dimuquraadiyada, tiirka dib u heshiisiinta bulshda iyo nidaamka maamul daadejinta.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xasan Cumar Halas oo ah madax agaasimaha Akadamiga (Operational Manager), waxaanu aad ugu dheeraaday bogaadinta iyo mahadnaqaha guud ahaan shaqaalaha Akadamiga oo uu xusay inay door weyn ka qaateen dhamaantood hirgelinta hawlaha la soo bandhigay.

Maxamuud Garaad Maxamed oo ku hadlaayey afka boodhka Akadamiga ayaa dhankiisa ka hadlay doorka uu Akadamigu ka qaatay arrimaha nabaday iyo doorashooyinka, wuxuu sheegay in Akadamigu door lixaad leh ka qaatay intii uu jiray, isagoo ku sifeeyey tiir udub dhexaad u ah arrimaha uu salka ku hayey shirka socday saddexda maalmood.

Sidoo kale waxaa xidhitaankii shirk aka hadlay gudoomiyaha Akadamiga Maxamed Faarax Xirsi, waxaanu ka hadlay faa’iidooyinka ay bulshada u leedahay qodobada shirka lagu lafa guray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, maamul daadejitna, tiirka dimuquraadiyada iyo tiirka dib u heshiisiinta bulsheed. Madaxda Akadamiga iyo horumarka nabada ee Somaliland ayaa qaybihii bulshada ka midka ahaa ee shirkan ka soo qayb galay dib talo ugu caliyey, isla markaana kala tashaday qaabka ugu fudud ee loo gudo gali karo ka midho dhalinta xogta la soo bandhigay.

Waxaa la isla qaatay in saddexda tiir ee xogta lagu muujiyey in mid kastaba laga qaato saddex ka mida, isla markaana lagu sameeyo ka midho dhalin, iyadoo ay Akadamiga kala shaqayn doonaan guddi hogaamineed ka caawisa hawlahood. Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadashay wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Shukri Xariir Ismaacil iyadoo sheegtay in doorka Akadamiga ee nabadadyntu yahay door muuqda. Wasiir ku xigeenka oo fariin u dirtay mucaaridka ayaa sheegtay in looga baahan yahay feejignaan badan, iyadoo ku dhaliishay goobaha fagaarayaasha ah ee ay ku soo bandhigayaan dhaliilaha iyo galdalooyinka aan munaasibka ahayn.