Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Oo Hirgeliyey Shirkad Isgaadhsiin Casri Ah

0
536

Picture2Hargeysa (Geeska)- Shirkad isgaadhsiin dhinaca socdaalka ah oo u shaqaynaysa hab casri ah oo magaceeda la yidhaa Simbatel TravelSim, ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka shirkaddan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa xalay, kana qaybgaleen siyaasiyiin, ganacsato fara badan, qurba-joog iyo marti sharaf kale, waxa lagu faahfaahiyey shirkadda Simbatel TravelSim oo ay aasaaseen laba muwaadin oo magacyadooda la kala yidhaa Cali Maxamed Nuur iyo Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal.

War-murtiyeed lagu soo bandhigay faahfaahinta shirkaddan oo laga akhriyey xafladda, waxa lagu sheegay in adeegani yahay khidmad isgaadhsiineed oo cusub, loona adeegsanayo simikaadh ka shaqaynaya adduunka oo dhan oo meesha ka saaraya inaad simkaadh cusub ka qaadato dal kasta oo aad socdaal ku tagto iyo qiimaha qaaliga ah ee wadahadalka.

“Simbatel TravelSIM waa khidmad casriyaysan oo kaa caawinaysa dhammaan walwalkaaga inaad la xidhiidho dadkaagii, dadkaad u socotay iyo inaad ku qabsato howlahaagii aad dhooftay. Simbatel TravelSIM Worldwide sida ku cad magacaba waa khidmad kuugu shaqaynaysa adduunweynaha oo idil meel alla meeshaad ka joogto. Wuxuu kuugu shaqaynayaa 230+ waddan iyo 700 mobile kambani oo ku teedsan caalamka oo idil.

Simbatel TravelSIM waa khidmad Prepaid ah markaa uma baahnid inaad wax debaaji ah aad siiso shirkadda mobileka, waxaadna ka helaysaa meel alla meelaha laga helo Simbatel oo ku teedsan waddamo badan oo ay ku jirto Somaliland.

Khidmaddan cusub waxay kuu sahlaysaa inaadan ururin SIM kaadhyo tiro badan oo ku shaqeeya meelaha aad u safarto. Waa midka keliya ood weligaa u baahanayso

Simbatel TravelSIM waa khidmad dalmareen (roaming)… laakiin aadan bixinayn ascaarta qaaliga ah ee ay la kulmaan dadka u safra dunida. Mobilekaaga wuxuu noqday shay laga maarmaan ah oon aan marna laga tagi karin. Waddanka haddaad daggantahay waxa laga yaabaa inaadan dareemin kharashka isticmaalkiisa, laakiin markaad safarto waxaad arkaysaa inuu aad u kharash badan yahay. Markaad qaadato Simbatel TravelSIM SIM card waxaad markiiba dareemaysaa in uu yahay khidmad lagaliyay aqoon badan, dakhli badan iyo wakhti aad u dheer, waxa ka shaqeeyay khidmaddaan dhalinyaro u dhashay waddankaan oo aqoon heer-sare ah u leh khidmaddaan dawliga ah ogna dhibaatada qabsata dadku markay safraan. Simbatel TravelSIM waxaan kugu boorinaynaa inaad qabato taleeefankaaga meelwalba ood joogto maxaa yeelay wax kharash ah oo kugu socda ma jiraayo waddamo dhan 190+ waddan. Simbatel TravelSIM worldwide waxay kuu sahlaysaa inaad ku wacato caalamka meshaad doonto hab aad uga jaban xitaa shirkadaha waddamadad tagtaan maxaa yeelay waxaa kuu dheer hab callback ah oo aad u casriyaysan,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaasi. Waxa kale oo lagu sharraxay qaababka loo isticmaalayo adeegan casriga ah, waxaannu yidhi, “Habkii hore ee loo isticmaali jiray callback ga waan ka casriyaynay. Simbatel TravelSIM waxaad u garaacaysaa sida caadiga ah markaad joogto waddanka dibaddisa. Waxaad u garaacaysaa sidan lambarkaad doonto (+252 63 1234567) kadib wuu wuxuu kuu sooqorayaa wax yar sug koolkaagii wuu socdaa.. Kadib waxaad arkaysaa qofkii aad wacday oo kuu soo yeeraya. Markaad qabato kaliya buu kugu xirayaa qofkaad u yeertay. Koolka markaad dhamayso wuxuu kuu soo qorayaa intaad isticmaashay koolkaas. Si aad u ogaato inta kuu hartay garaac *121# Waxaa kale oo intaa kuu dheer in haddii lagu soo woco ama SMS laguu soo diro inaysan wax cost ah lahayn waddamada caalamka inta badan Inaad ku isticmaasho internet kana wuu kuu sahlayaa. Kaliya waxaad qaraacaysaa *130# kadib waxaad iibsanaysaa intaad doonto kadibna intaas uun baad isticmaalaysaa.” Siyaasiga Ismaaciil  Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo xafladda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey shirkaddan cusub oo uu sheegay inay adeegeeda baahi wayn loo qabay, isla markaana ay dadka socdaalaya u sahli doonto xidhiidhka gudaha dalka iyo dibaddaba. Sidoo kale, xubno ka mid ah ganacsatada madasha ka qaybgalay oo ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey shirkaddan cusub oo ay sheegeen in adeegeedu u fududaynayo shaqadooda.