Xasan Sheekh Maxamuud Oo Muqdisho Ka Sheegay Inaan Somaliland Lagu Qasbi Karin Midnimo Dhex Marta Soomaaliya

0
720

Muqdisho (Geeska) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kaga hadlay culays diblumaasiyadeed oo Dawladda Soomaaliya ee xilligan ku hayso Somaliland.

Xasan Sheekh oo ka hadlayey dood lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qadiyadda Somaliland xalkeeda looga baahan yahay Soomaaliya, balse culaysyo diblumaasiyadeed oo la saaro iyo Dalka ay xidhiidh ka leedahay oo ilaaqaadka Soomaaliya u goyso aanay Somaliland ku qasbi karin inay dib ula midowdo Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Qadiyadda Somaliland waa Qadiyad Soomaaliyeed, xalkeeduna Soomaaliya ayuu yaallaa, Culays diblumaasiyadeed oo lagu abuuro Somaliland, Sharciyadda Caalamiga ah ee aanu haysano ayaanu ku gacan maroojinaynaa la yidhaahdo nooma keenayso Somaliland ee ay way sii fogaynaysaa, Xaqii’iqa iyo Waaqaca Adduunyada ka jira ayaa tilmaamaya, xooggu hadduu dal is-diiddan midayn karo China iyo Taiwan ayuu midayn lahaa, China xoog miyuu ku yar yahay, Diidmada Qayaxan leh, haddana Jaziirrada yar ee Taiwan culays diblamaasiyadeed wuu ku keeni kari waayay Shiinuhu (wuxuu sameeyay) Qaramada Midoobay culays diblumaasiyadeed ka saar, Dalkii xidhiidh la leh Ilaaqaadka ka gooso, wax kasta way ku sameeyeen, laakiin weli Taiwan weli way jirtaa, markaa Somaliland Xal siyaasadeed oo Caqli ku dhisan Annaga ayay naga rabtaa, laakiin inaan Kenya ilaaqaadka u goyno iyo inaan jeclaano Somaliland noogu iman mayso.”

Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay “Qadiyadda Somaliland hadba inta aynu juhdi iyo dedaal gelino ayay inoo jirtaa, laakiin meel kale ee laga doon-doonayo Qadiyadda Somaliland ma jirto, markaa waa inaan yeelanaa dhiiranaan aan ku waajahno Dadka Soomaaliyeed Waqooyiga Soomaaliya deggan, waxay tabanayaana ku aqbalno..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office