Maamulka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Dilal Isku Xig-xigay Oo Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

0
621

Hargeysa (Geeska) – Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascanood ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka dhacay dilal, iyadoo qofkii ugu dambeeyey shalay subax meydkiisa laga helay Magaalada.

Maamulka Gobolka Sool oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan lagu ogaanayo Cidda masuulka ah dilalkan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey dilalkan ka dhacay Laascanood, sababaha keenay iyo Maamul ahaan waxay ka qabteen ayaa ku jawaabay “Dilalkani waa dilal si shil ah u dhacay, ,baadhitaanana waanu wadnaa, oo Ciidanku waajibkooda ayuu gudanayaa, baadhitaankana ka sii hor dhici maayo, laakiin xaaladda nabadgalyo ee Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanoodba waa caadi”.

Dhinaca kale, waxaa la sheegay in Ciidammada amaanka Somaliland inay dad u xidh xidheen dilalkan ka dhacay Magaalada Laascanood, isla-markaana ciidanku ku wadaan baadhitaano la xidihidha dilalkan, inkasta oo aanu arrintaa Maamulka Gobolka ka hadal.

 

Geeska.net/Hargeisa Office