Xasan Ciise Jaamac Oo Si Adag U Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Hubaal

1
639

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor, Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii habeenimadii khamiistu soo galaysay lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal.

Warsaxaafadeed uu Xasan Ciise, shalay soo saaray wuxuu ku sheegay in weerarkaasi ahaa mid ay xukuumadu soo abaabushay, waxaanu ku baaqay in loo saaro guddi madaxbanaan oo samaysa baadhitaan rasmiya. Warsaxaafadeedka Xasan Ciise, wuxuu u qornaa sidan:

 

“KA DARAN FADEEXADII WATERGATE

Waxaanu sifada u adag ku cambaaraynaynaa weerarkii habeenkii dhawaa lagu qaaday wargeyska madax banaan ee Hubaal.

Weerarkaasi wuxuu ahaa mid dil loogu talogalay tifatiraha iyo madaxda kale ee wargeyska Hubaal.

Waxa kale oo loogu talogalay in lagu cabudhiyo saxaafada madaxa banaan ee Somaliland. Waxa kale oo cad in fidno loogu talogalay la iskaga horkeenayo dadyawga walaalaha ah ee nabadda ku wada degan caasimada ,marka la eego raga loo adeegsaday in lagu fuliyo weerarka axmaqnimada ah.  Waa talaabo keliya oo loo qorsheeyay denbiyadii ugu darnaa ee 1) Dil 2) Cabudhin iyo 3) Fidno.

Ilaahay ayaanu ugu mahadnaqaynaa inuu fashiliyey weerarkan Tifatiraha iyo madaxda kale iyo shaqaalaha  Hubaal waxaanu  ku tahniyadaynaynaa sida geesinimada ah eey iskaga difaaceen weerarkan iyo sida ay hubkii uga dhigeen una qabteen mid ka mid ragii la soo diray inay weeraraan. Iyada oonu isla warkaas khasaaraha ka soo gaadhay weerarkan gardarada ah.

Waxa hubaal ah inaanay ragan la soo adeegsaday ayagu isa soo dirin. Sababta oo ah waxaan jirin wax ay ayaga iyo wargeyska Hubaal isku hayeen. Waxa kale oo hubaal ah in reerka uu ka soo jeedo ninka la qabtay iyo wargeyska Hubaal aanay ayaguna jirin wax ka dhexeeyay ooy isku hayeen. Waxa markaas hubaal ah in cida soo dirtay  ee soo maleegtay weerarkani ay tahay cida uu u shaqaynayay ninkani la qabtay oo ah xukuumada maanta ka jirta Somaliland. Sida uu sheegay faysal cali, amaan darada soo waajahday dalkani laga soo bilaabo doorashooyinkii sida xishoodarada ah loo boobay iyo dhalinyaradii aan hubaysnayn ee Ciidamada xukuumadani ku laayeen kuna dhaawaceen Hargeisa iyo Zeila , waxay kelifidoontaa in shicibku ayagu isu xilsaaraan ilaalinta amaankooda ooy qoryahooda la soo wada baxaan iskana ilaaliyaan Ciidamada xukuumada ee ayagii loo adeegsanayo.  Taasina , aakhirataan xukuumadan ayuunbay u xuntahay.

Mar hadii xukuumadani noqotay ta uu inanka weerarkan lagu qabtay u shaqaynayo, xukuumada ma noqonayso ta laga sugayo in ay arintani baadhitaan ku samayso. Iyadii ayaa ah ta la baadhayo. Sidaas awgeed waxaanu soo jeedinaynaa inay labada gole ee baarlamaanku,guurtida iyo wakiiladu baadhitaan rasmiya oo madax banaan u saaraan gudi heer qaran oo heer sare ah. Gudigaas baarlamaanka wada jirka ahi ha soo baadho dhacdadan Hubaal iyo dhacdooyinkii ka horeeyey ee amaan daro oo dhan.

Mudo kooban ha loo qabto inuu gudidu ku keento warbixintooda hordhaca ah. Hanna loogu talo galo cidii denbi ku yeelata in sharciga la horgeeyo.

Ma jirto waxaan sidaa ahayn oo hanan kara taageerada shicibka ama soo celin kara kalsoonida dadweynaha.”

Comments are closed.