Gudiga Amniga Ee Wakiilada Oo Ku Baaqay In Si Madaxbanaan Loo Baadho Weearkii Hubaal

0
600

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddi hoosaadka arimaha gudaha iyo aminiga ee golaha wakiilada, ayaa si adag u canbaareeyay falkii lagula kacay wargeyska Hubaal, waxaanay falkaas ku tilmaameen mid ay ka naxeen oo wal wal ku abuuray.

Guddigani waxay ugu baaqeen ciidanka booliska, wasaarada arima gudaha iyo ciidanka CID-daba inay meel adag iska taagaan falkaas iyo cidda ka danbaysaba isla markaasna ay sharciga horkeenaan oo aan la danbabasin, sida oo kale waxa ay gudidu soo jeediyeen in baadhista ay ahaato mid aanu boolisku ku kaliyaysan si loogu wada qanco.

Waxa ay sidan ku sheegeen Guddi hoosaadka arimaha gudaha iyo aminiga ee golaha wakiiladu shir jaraa’id oo gudidu ay ku qabatay xarunta golaha wakiilada ee Somaliland.

Ugu horayntii gudoomiyaha gudigaas xildhibaan Saciid Cilmi Rooble oo shirkan jaraa’id isagu furay waxa uu yidhi “ Waxa halkan fadhiya gudi hoosaadkii arimaha gudaha,amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada, waxaanu isigu kiin yeedhanay maanta inaan ka hadalno fal cusub oo qarankan ku cusub oo habeen dhawayd lagula kacay wargeyska Hubaal, marka koowaad anaga oo ka wakiila shacbiga waxaanu canbaaraynaynaa falkan foosha xumaa ee ugubka ahaa loo gaystay wargayska Hubaal, iyada oo aanu ka naxnay in cida falkaas gaysatay ay ka mid noqdaan booliska qaranka, waxaanu ugu baaqaynaa in taliyaha boolisku iyo wasaarada arimha gudahu iyo CID-duba in arintaas siday tahay baadhisteeda loo wado oo la horkeeno cidii falkaas gaysatay iyo cida ka danbaysaba umadda iyo garsoorka.”

 Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ah gudoomiye ku xigeenka gudigaas oo isaguna halkaas ka hadlaayay ayaa ku baaqay in la gaadho gunta weerarkaas isla markaasna cadaalada la sugo “ Waanu canbaaraynaynaa dhacdadaas foosha xun ee dalka ku cusub, ee ku dhacday wargeyska Hubaal,uma baahana arintan falanqayn kale cidii ku shaqada lahayd ayaa gacanta ku haysa waxa kaliyaata oo aanu doonaynaa inaan halkan ka xoojino in baadhistaasi aanay noqon mid la dhayalsado oo la danbabaso ee ay noqoto mid waajibkeeda laga guto, oo cidii falkaas gaysatay ay waajibkeeda mutaysato, taliyaha booliska iyo wasiirka arimaha gudahana waxaanu u sheegaynaa marka dhacdadan oo kale dunida ka dhacdo masuuliyiinta amaanka waa ay is casilaan iyaga oo ka yaaban falka dhacay, Somaliland kamay dhacin arintaasi laakiin waxaanu leenahay waajibkiina ka guta cidi falka noocaas ah fulisay. Meelaha laga soo baabulay ee wargeysku sheegayana waxaan leenahay ama hayska dadafeeyeen ama halagu qaado waxay mutaystaan, waxaanan ka digaynaa inay dhacdadaasu noqoto mid la caadaysto.”

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah gudigan ayaa isaguna dhnkiisa ku baaqay  in baadhista dhinacyo kale lagu kordhiyo si loogu qanco baadhista ugu danbata “ Waan canbaaraynaynaa falkaas, waxaanan ku darayaa in baadhista lagu daro darafyo kale oo aan booliska uun ahayn ama aan xukuumada ahayn sida saxaafada oo kale in laga qabgaliyo baadhistaas si ay u noqoto baadhistaasi mid cad oo lagu kala boqsado oo waxii la soo saaraa ay noqdaan wax xaqiiqi ah, arinkana aan booliska oo kaliyaata loo dayn.”

Gudi hoosaadka arimaha gudaha iyo aminiga ee golaha wakiilada ayaa si adag u sheegay in la hor istaago in falkaas oo kale uu sii socdo, isla maraasna aan cidna looga gaban baadhistaas oo cid kasta oo ku lug yeelata la hor keeno garsoorka dalka si loo sugo amniga muwaadiinta.