Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliya Oo Laalay Mooshin Uu Cali Khaliif Ka Keenay Heshiiskii Turkiga

0
695

 

 

Picture9Muqdisho (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad, ayaa dib u celiyay mooshin ka dhan ah qodobbadii ka soo baxay wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya ee dalka Turkiga.

Mooshinkan oo ay wadeen xildhibaano Cali Khaliif Galaydh ka mid yahay, ayaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka Somaliya oo guddoominayey fadhi ay shalay Muqdisho ku yeesheen ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga, sidaa daraadeedna aan ajandaha golaha baarlamaanka lagu dari karin.

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu sheegay in xildhibaano u soo gudbiyeen mooshin lid ku ah war-murtiyeedkii ka soo baxay wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya, balse uu yahay mid sharci ahaan ka hor imanaya nidaamka dawladnimo.

Mahad Cabdalla Cawad, ka hadlaya Mooshinkaasina waxa uu yidhi “Mooshin ayay xildhibaanno keeneen, kaas oo ku aadan in ajandaha lagu soo daro dood ku saabsan wadahadalladii dawladda Fedaraalka iyo Somaliland, mooshinkaasi oo ay ku doonayaan in lagaga doodo war-murtiyeedkii ka soo baxay Turkiga, laakiin mooshinkaasi waxaanu u aragnaa ku xad-gudub awoodii fulinta, sidaa daraadeed mooshinkaasi waxaanu u aragnaa mid aan sharciga waafaqsanayn.”

Diidmadan, ayaa noqonaysa mid loogu quus-gooyey Cali Khaliif Galaydh oo aan qarsan Cadaawada isaga iyo kuwa uu wataa u qabaan Somaliland. Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka uu Cali Khaliif Galaydh, watay ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka shirguddoonku ku laalay.