Guddiga Doorashada Oo Ururada Siyaasadda U Soo Bandhigay Afar Qodob Oo Doorashada Dib U Dhigi Kara

0
571

 

guddiHargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa khamiistii kulan muhiima la yeeshay ururada siyaasadda ee loo qorsheeyay inay ku loolamaan doorashada goleyaasha deegaanka, waxaanay ka wada hadleen qodobo dhawr ah oo khuseeya arrimaha doorashada, waxaana la filayaa inay ururada siyaasadu bilaabaan ololeyaal ay ku taageerayaan qorshaha guddiga doorashada.

Kulankaas  ay labada dhinac ku kulmeen oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen, in guddiga doorashooyinku ururada siyaasadda ugu soo bandhigeen qodobo dhawr ah oo ay sheegeen inay caqabad ku noqon karaan doorasho dalka ka qabsoonta oo markii hore la saadaalinayay inay qabsoonto sannadkan gudihiisa, iyagoo ka digay in dib u dhac ku iman karo doorashadaas.

Qodobadaas ay guddiga doorashadu sheegeen inay caqabad noqon karaan waxa ka mid ah go’aan ay dhawaan golaha guurtidu ku gaadheen in doorashada lagu galo astaamo murashixiinta loo sameeyo oo lagu kala garto, halka la sheegay inay guddiga doorashooyinku qorsheeyeen in lagu galo tirooyin (Numbers) iyagoo ka eegaya dhinaca dhaqaalaha. Waxa ay guddiga doorashadu kulankaas ku cadeeyeen in haddii la qaato go’aanka golaha guurtida ee dhigaya in doorashada lagu galo astaamo, loo baahanyahay lacag dheeraad ah oo ay sheegeen inaanay deeq bixiyayaashu diyaar u ahayn inay bixiyaan. Waxa kale oo ay guddiga doorashadu ururada siyaasadda u soo bandhigeen qodob labaad oo  ku saabsan lacag nolol maalmeed ah oo ay guddiga doorashada iyo deeq bixiyayaashu, doorashooyinkii hore siin jireen xubnaha ururada ugu sugan goobaha codaynta, taas oo ay iyana sheegeen inaan loo hayn wax dhaqaale ah. Waxaanay guddigu u soo jeediyeen ururada inay xalistaan mushkiladaas, mar haddii ay deeq bixiyayaashu sheegeen inaanay dhaqaale u hayn.

Qodobka saddexaad, ee ay guddiga doorashadu u soo bandhigeen ururada siyaasadda ayaa isna ah waxa laga yeelayo gobalada bari oo la filayo inaanay arrimo nabadgelyo darteed doorashada ugu dhici doonin deegaano badan oo ka tirsan, waxaana halkaas ay dhinacyadu kaga munaaqashadeen in loo baahanyahay jid kale oo ay dadka deegaanadaasi doorashada kaga qayb galaan.

Qodobka ugu dambeeya ayaa isna ah qodob ku jira xeerka ururada ee 2011 oo ah qodobka lixaad kaas oo ku saabsan sida ay ururada siyaasaddu ku kala baxayaan marka ay guddiga doorashadu natiijada soo saaraan, waxaanu qodobkaas lixaad dhigayaa in lagu kala saari doono boqoley (%), laakiin waxa ay guddigu soo jeediyeen in la sii cadeeyo taas, si aanu muran u imanin marka ay guddiga doorashadu ku dhawaaqaan natiijada doorashada goleyaasha deegaanka.

Qodobadan ayaa waxa ay labada dhinac isku afgarteen in si wada jir ah looga hawlgalo si ay dalka sannadkan gudihiisa uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi.