Xasan Ciise Jaamac Iyo Safarka Uu Ku Joogo Magaalada Burco

2
761

 

Picture4Burco(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa labadii habeen ee u dambeeyay safar ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Xasan Ciise Jaamac, oo markii uu ka soo noqday safarkiisii Djibouti u socdaalay dhinaca gobalka Togdheer, ayaa waxa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay taageerayaasha ururka Xaqsoor iyo murashixiinta ururka uga sharaxan doorashada goleyaasha deegaanka ee Burco, waxaana khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyay ku sheegay inuu la yeelan doono kulan ay isku xog waraysan doonaan. “ “Dadweynaha Burco, hawlwadeenada ururka Xaq-soor ee gobolka Togdheer dhamaantiin aad iyo aad ayaan idiinku mahad-naqayaa sida diiran ee aad noo soo dhawayseen ,waxaanan ilaahay ugu xamdi-naqayaa in uu Burco nabad nagu keenay mudo ayaynu kala maqnayn ,waynu wada tashan doonaa ,qorshe ayaynu samaysan-doonaa ,waynu wada hawlgali-doonaa ,Insha Allah  tacaalana waynu wada guulaysan-doonaa “ Sidaasi waxa  yidhi Guddoomiyaha ururka Xaq-soor. Waxaanay wararku intaas ku darayaan inuu ka sokow taageerayaasha Xaqsoor kulamo la yeeshay wax garadka reer Burco.

Geesta kale, waxa la filayaa inuu Xasan Ciise Jaamac maanta u gudbo dhinaca gobalka Oodweyne.

Comments are closed.