Qodobbadii Is-Qiimaynta Golaha Xukuumadu Waa Midhihii Darayga: Nin Duuduub Ku Liqa Iyo Mid Iska Dayaba ( Qaybtii 3aad )

0
709

 

yaabWaxa aynu nahay bulsho dawlado aan waxba qabani soo barii-sadeen oo guuxii xukuumaddii keli taliska ahayd weli dhegahooda ka yeedhayo, dad badan ayaa ogaa iyada oo marka dawlad la soo qaado waxa keliya ee ay ka doonayaan uu yahay in ay naftooda, maxastooda iyo maalkoodu ka nabadgalaan, kuwaasi waxa ay guul iyo wax qabad u arkayeen in tobanaan sano oo ay dawladdu jirto loogu celceliyo hal waddo oo la dhisay oo laga yaabo in dhaqaalaha ku baxay ay ku jiraan taburacaad muwaadiniintu bixiyeen iyo caawimo dawlado saaxiiba iyo hay’ado caalamiya ka yimi ama warshad shacab maalgashaday, waxaa suurtogal ah in caqliyada jawigaa ku soo barbaartay ama maqli jirtay, haddiiba ay aragto wax qabad itaalka uu doono ha lahaado ee in ay aaminto in wixii intaa ka badan ee la doon-doonaa yahay hunguri weyni.

 

Waxase muhiim ah in dadkaas marka hore lagu baraarujiyo waqtiga la joogo iyo qaabka ay ku timid dawladda lala xisaabtamayaa.

Waa hubaal in xukuumadda maanta ee madaxweyne Siilaanyo ay wax qabatay, lama dafiri karo in waxbarashadii aasaasiga ahayd bilaash laga dhigay, in miisaaniyaddii la kordhiyey, in shaqaalihii iyo ciidamadii mushaharka loo kordhiyey iyo in la dhamaystiray wax yaabo ay dawladdii hore wadday oo qaarkood gebo ku dhowaayeen sida biriishka labaad ee caasimadda, doodbaase ka taagan in waxa la qabtay ay yihiin wixii la qaban karayey muddadii ay xukuumaddu jirtay, muranna kama jiro in wixii ay ballan qaadday marka loo eego, uu wax-qabadkeedani noqonayo uun keliya mid ay sheeg-sheeggiisa khajilaadda iskaga bi’in karto.

Waxa ay dadka badankiisu kulanka la xisaabtanka ee golaha xukuumadda ka filayeen in ay si cad uga hadlaan sababaha aanay weli waxba uga qaban nidaamka garsoor iyo cadaaladda godka ku dhacday, xeer ilaalinta inta ay eedaysane ka dhigto muwaadinka, awoodi kari la’ in ay maxkamadaha ka hor cadayso dembigiisa.

Waxaa is weydiin leh waxa uu madaxweyne Siilaanyo ka qabtay cadaaladda dalka ee isaga qudhiisu qiray in aanu filayn in cadaalad darradu heerkaa ay gaadhsiisan tahay.

Muwaadiniintu waxa ay su’aalo ka qabaan, sababta wasaaraddii dibadda ka dhigtay mid siyaasaddeeda iyo qorshaheeduba ku jiraan shandadda wasiirka oo keliya, sababta aan weli ciidamada naftooda u huray difaaca qaranka loogu samayn darajo ay ku hirtaan iyo xiddigo ay dheeraadaan kuwa labaatan sano kadib hadda dhibbooga la qorayo, muwaadiniintu waxa ay su’aalo ka qabaan maamul la dareemay in uu dabcay iyo masuuliyiinta farriimaha isu marinaya warbaahinta ee aanay wada shaqayntu ka dhaxayn, wasiirrada hawl-maalmeedku ku bilowdo kuna dhammaado xafladaha aan xidhiidhka la lahayn hawlahooda qaran.

Muwaadiniintu waxa ay xukuumadda uga fadhiyaan in ay si xalliibanaan ah qodob qodob ugu soo bandhigto buug yaraheedii oo waxa ay qabatay ku faanto, waxa ka qaldamay ama ay qaban kari weyday raalli gelin ka bixiso, waxa aan qabsoomin ee ay ahayd in la qabtana kala xisaabtanto masuuliyiinta ay u dirtay ee dayacay.

Waxaa yaab leh in wasiirro xilal qaran hayaa ay sida ururrada bulshada iyo hay’adaha madax bannaan u shaqeeyaan oo ay shahaado sharafyo ku urursadaan, waxa ay ugu yeedhaan wax-qabadkooda, waxaa iyaduna muwaadinka ka degi la’ indho adayga wasiirrada qaar ee gaadhay heer muwaadinka ka cabanaya biyo la’aanta, adeeg xumada caafimaad, sicir bararka iyo dab-demis la’aanta inta uu hor istaago ku faanaya in madaxtooyadii la nadiifiyey.

Inta aanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo jidkaa u marin la xisaabtanka ee aanay ka dhab sheegin wax qabadkeeda iyada oo weliba niyadda ku haysa in codka shacabka ee ay marka horeba kursiga ku timid uu ka yaraa kala badh tirada guud ee muwaadiniintii codeeyey in ay waayi doonto in badan oo ka mid ah dadkaa kalsoonida hore u siiyey.

 Dhammaad