Golaha Wakiilada Oo Si Rasmiya U Ansixiyay Xeerka Sirdoonka Qaranka

0
815

 

Hargaysa( Geeska)- Golaha wakiiladda  ayaa si rasmiya u ansaxiyay xeerka sirdoonka qaranka. Xeerkan oo hay’adaas ka dhigaaya mid madaxbanaan oo aan u dhisnayan qaab ciidan,waxaana fadhigan golaha wakiiladu yeeshay shir gudoominaayay   gudoomiye-ku- xigeenka kowaad  ee golahaas baashe maxamed faarax.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 42-mudane waxa ansixinta xeerkaas ogolaaday 34 mudane,waxaa diiday shan xil-dhibaan, waxa ka aamusay laba mudane, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasina waxa ku ansaxay xeerka sirdoonka qaranka xeer no, 59/2012.

Sida la og-yahay xeerka sirdoonka qaranku wuxuu muddooyinkii u danbeeyey hor yaalay golaha wakiilada, an-sixintiisuna waxay dhabaha u xaadhaysaa, madax-banaanida hay’adda sir-doonka qaranka. Waxaanu xeerkan uu hay’ada sirdoonka  qaranka ka dhigayaa mid aan u dhisnayan sidii ciidan balse u dhisan sidii hay’ad madax banaan oo kaydisa siraha.