Xasan Ciise Jaamac:- “Danta Somaliland Waxay Ku Jirtaa In Xal Loo Helo Doorashooyinkii Sida Xaaraana Ah Loo Boobay”

0
1934

 

Xasan-Ciise1-248x300Hargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha urur siyaasadeedkii Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, oo ka soo laabtay safar uu ku tagay tacsidii gudoomiyahii baanka dalka Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, ayaa ku tilmaamay marxuunka Jaamac Xayd halyey Geeska Afrika Ka baxay, waxaanu sida oo kale ka hadlay doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo saamaynta ay dalka ku yeesheen.

 

 

Waxa uu gudoomiye Xasan Ciise shalay ka soo dagay madaarka caalmiga ah ee Cigaal, waxaanu isaga oo warbaahinta la hadlaaya uu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaanu tagnay Djibouti toban casho ka hor u jeedadayada koowaadna waxa ay ahayd tacsidii Jaamac Xayd gudoomiyahii baanka dhaxe ee dalka Jabuuti oo geeriyooday, ninkaasu waxa uu ahaa nin  aad loo tabay,nin qaran isaga oo ah ayuu hadana Geeska Afrika ka baxay, tacsidiisii wax looga yimi Carabta, Maraykanka Geeska Afrikana hadalkeedaba daa, markaas waanu u ducaynay ee Alle haw naxariisto isaga iyo umadda nabi Muxamedba.”

 

Mj.Xasan Ciise hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Hawlahii kale haday Xaqsoor tahay iyo haday Somaliland tahayba intaa iyaduna had iyo jeer inaga oo kale waa inoo joogto, oo hadh iyo habeen shaqo kalaba ma hayno, mar aanu wax  dan u ah Somaliland wadno iyo mar danaha  Xaqsoor aanu wadno, oo ah laba aan is diidayn ee isku mid ah. Danta Somaliland maanta waxay ku jirtaa in xal loo helo doorashooyinkii deegaanka ee sida xaaraanta ah ee aan xishoodka lahayn loo boobay ee dadka oo dhan ay u markhaati furayaan ee muwaadiniinta iyo shisheeyahuba ay ka markhaati furayaan, waa in xal loo raadiyaa waayo danta dalka iyo dadka ayaa ku jirta.Si aanu u tusno arimahan in aan la fudaydsan karin ee ay danta umadu ku jirto in xal loo raadiyo, waayo wax la yidhi wanka weyn marka la gawraco ayuunbay indhahiisu cirka arkaan, dhiigii caruurtii ciyaala iskuulka ahayd ee iyaga oo sii jeeda xabada la’la dhacay, dadkii iyaga oo jiifay Saylac xabada la’la dhacay,  in aanay ahayn arin la fudaydsan karo iyo maxkamadii nalaga hor joogsaday, Hargaysa waxii ka dhacay London iyo adduunka meelo badan ayaa laga ashkatayn karaa, aayadii quraanka haa ee aynu inagu ka tagnay aduunkiibaa qaatay,waxaanay yidhaahdeen dad la yaraysanaayo oo Afrikaan ah haday ka dhacday anaga ayay danbi nagu tahay, arimaha caynkaas ah haddii aan wax laga qaban baritoole iyo saadanbeba waa ay soo noqonayaan dabadeeto waxay noqonaysaa tusbax la furay, qaranimada aynu sheeganaynaana ma jirayso, balaayaduna af la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto ma laha.”