Shirkada Al Xarbi Oo Macaamiisheeda U Qabtay Barnaamijka Tijaabi Nasiibkaaga

0
956

 

Hargaysa( Geeska )- Shirkada ganacsiga ee Al-Xarbi ayaa barnaamij tijaabi nasiibkaaga ah u qabatay tiro badan oo ka mid ah macaamiisheeda. Waxaana nasiibkaas ku guulaystay 50 qof oo helay alaabooyin kala duwan.

Alaabooyinka shirkadan Al-Xarbi ay nasiibka ku bixinaysay ayaa kala ahaa Mooto, Laptop, Baaskiilado, Moobaylo, TV-yo, Kaawiyado, mishiinka khudrada lagu ridqo iyo alaabooyin kale oo tiro badan.

Barnaamijkan tijaabi nasiibkaaga ee ay shirkadan Al-Xarbi ay macaamiisheeda u qabatay ayaa ahaa mid cad oo cadaalad ah, waxaana dadka hortiisa lagu nasiibinaayay warqada qofka nasiibkaas helaaya oo qof kale uu uga soo saaraayo sanduuqa ay ku jiraan koobiyada kaadhadhkii nasiibka lagu galaayay, waxaana loogu dhawaaqaayay dadka hortiisa qofka ku guulaystay lanbarka telefoonkiisa iyo waliba lanbarka kaadhkiisa, kaas oo marka dambe  uu xarunta kaga qaadnaayo alaabtii uu ku guulastay.

Ugu horayntii Shucayb Macalin Qaasin oo ku hadlaayay afka shirkada Al-Xarbi oo faah faahin ka bixinaaya barnaamijkan tijaabi nasiibkaaga ayaa yidhi “ Waxa noo sharaf ah inaad nagala soo qayb gashaan xafladan aanu idinku marti qaadno, waxaanan ku soo bandhigaynaa halkan nasiibkii iyo waliba cidii ku guulaysatay, waana barnaamijkii tijaabi nasiibkaaga. Sida aad la wada socotaan shirkada Al Xarbioo ah shirkad wadani ah waxaynu odhan karnaa waa shirkad ugu faca weyn shirkadaha dalka, shirkadani waxay macaamiisheeda u qabtaa labadii sanoba mar barnaamijkan tijaabi nasiibkaaga, waxanay baxisaa abaalmarino kal duwan.”

“Shirkada Al Xarbiwaxay soo bandhigtay sanadkii 2010-kii abaal marino sidan oo kale ah oo ay ugu talo gashay macaamiisheeda, taas oo xooga lagu saarayay buskudka Abuwaladka oo ka mid ah buskudada  ugu faca weyn gayigan Somaliland, maanta waxa nasiibka lagu tijaabinayaa LAGADOR oo isugu jira alaabooyin badan oo uu ka mid yahay Buskudo,Baasto,Kaluun, Saliido iyo alaabooyin kale.Waxaanu doonaynaa inaad markhaati ka noqotaan hadaad tahiin macaamiisha,dadka sharafta leh ee aan halkan ku soo casuunay iyo saxaafadaba sida dadka hortiisa loogu galaayo nasiibkan ee aanu u saarnayan wax daah ah.”

Shirkadan Al Xarbiayaa ka mid ah shirkadaha inta badan dalka keena alaabooyinka bagaasha ah, waxaanay shirkadu barnaamijkan macaamiishu nasiibkooda ku tijaabinayaan ay qabtaan labadii sanadoodba mar.