Guddida Dhismaha Biriishka Maxamed Mooge Oo Ka Warbixiyay Hawsha Dhismaha Biriishkaas

0
719

 

Hargeysa (Geeska) Guddida dhismaha ee Biriishka ay yeelan doonto Xaafada Maxamed Mooge ayaa kulan ay warbaahinta iskugu yeedheen maalintii shalay ka warbixiyey halka ay u marayso hawsha dhismaha Biriishku. Guddidan oo ah gudida gacanta ku haysa biriishkan oo si taburacaad ah ay uga gaysteen guud ahaan dadka degan xaafada Maxamed Mooge, kaas oo waxtar weyn u yeelan doona dadka iyo gaadiidka ayaa ugu horayn tilmaamay iyagoo ku sugan biriishka dushiisa oo ay dhismuhu si habsami ah uga socoto hada dhismuhu u marayo kala badh.

Xoghayaha Gudidan gacanta ku haysa dhismaha Biriishkan Liibaan C/raxmaan Xasan oo ugu horayn warbixin kooban ka bixiyey hawsha ay gacanta ku hayaan ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Biriishkan aad aragtaan ee maanta maraya kala badhkaa waxa uu ku kacayaa lacag dhan $46,000 oo dollar waxaana lacagtaas ugu qorshaynay inay ku yimaadaan tabarucaad oo dadka degan xaafada Maxamed Mooge ay gacan weyn ka gaystaan, iyo cid kasta oo danaynaysa inay taburacaadkooda ay gashadaan, Alxamdulilaah waxaana aanu wajigii hore uruurinay lacag gaadhaysa $26,000 oo dollar iyadoo maamulkii hore ee Goalaha Deegaanka magaalada Hargeysa $5,000 oo dollar noogu deeqeen, waxaana ay ka mid tahay $20,000 oo dollar oo uu hore Mayar Jiciir noogu balan qaaday inay kaga qayb gali doonaan tabarucaadka lagu dhisayo Biriishkan, nasiib daro waxaa naga soo kala dhex galay kala wareegi golayaasha Deegaanka, nasiib wanaagse Mayarkii dambe ee cusbaa ayaa halkan soo booqday, wuxuuna noo sameeyay balan qaad fiican oo uu wax nagala qaban doono, hawshiina wuu soo eegay siday u socoto. Haddaba maanta biriishkii waxa uu marayaa meel fiican, $46,000 dollar ee uu ku kacayay biriishku waxa aanu u helnay shirkada dhismaha Jano Gale Construction Engineering Company ee qandaraastay oo aanu siinay $23,000 dollar waxaana u hadhsan $23,000 dollar.  haddaba waxaan doonaynaa inaan halkan dadkii uga sheegno in hawsha baddan ee naga gaadhay ee aanu tacabka baddan galinay dadkuna nagu taageereen cidii xaafada gasha iyo cidii aan galinba waxaanu maanta u sheegaynaa in biriishku qaybtiisi hore uu maanta ku dhaw yahay dhamaystir, waxaanan leeyahay cid kasta oo jecel inay gacan ka gaystaan haday noqoto xukuumada, ganacsatada, qurba jooga, iyo bulshada kaleba way idiin furan tahay inaad gacan ka gaysataan sii anba qaadka qaybta labaad ee biriishka”.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Sheekh Axmed Ismaaciil Batuun oo ah ku simaha gudoomiyaha gudida Biriishkan waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu biriiskhkani uu wax weyn ka tari doono bulshada degan xaafadan.