Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Dawladda Ugu Baaqday Inay La Noqoto Eedda Weriye Sakaaro

0
502

Hargeysa(Geeska)-Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ayaa soo saartay baaq ay u dirtay dawladda Somaliland oo ah inay ka noqoto eedda ka dhanka ah weriye Axmed Muuse Sakaaro.

download

Warsaxafadeed ay soo saartay afhayeenka xaruntan Mulaaxo Maxamed Cali, ayaa u dhignaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa masuuliyiinta Somaliland inay si shardi la’aan ah u laalaan eedda ay ku soo oogeen Axmed Muuse Sakaaro oo ah weriye degan Burco. Axmed waxa lagu eedeeyey inuu eed aan run ahayn dusha ka saaray Duqa Burco, Maxamed Yuusuf Muraad.

 21kii October 2015 waxa Axmed Muuse Sakaaro soo weeraray todoba nin oo dhaawac uga gaystay madaxa iyo laabta. Ka hor intaan la soo weerarin waxa loogu hanjabay Axmed inuu joojiiyo inuu wax ka qoro Duqa Burco. Axmed wuxuu aaminsan yahay in duqa magaaladu uu ka danbeeyey weerarka loo geystay. Shan qof ayaa Booliisku u xidheen weerarka.

 Duqa magaaladu waxa uu ka cawday hadalkaas uu Axmed sheegay weerarka kadib.

 In dacwad lagu soo oogo weriye dhibane ah oo dhaawac la soo gaadh siiyay xilli maalin cad ahi waa arin qaldan. Axmed wuxuu cabiray aragtidiisa ku aadan cidda uu u arkayay inay soo weerartay. Taasina dembi maaha. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa masuuliyiinta inay joojiyaan eedda, ayna baadhitaan madax banaan oo dhex dhexaad ah ku sameeyaan arinka iyaga oo soo xidhaya ciddii weerarka geysatay.

 Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud wuxuu dhacdada weerarka u soo eedeeyey todoba qof oo laba maqan tahay. Bishan March gudeheeda ayaa Maxkamadda Gobolka Togdheer ay soo saartay xukunkii. Laba qof waxba way ku waayday, mid maqane ahna waxa lagu xukumay todobo sanadood halka sadex kale lagu xukumay xabsi ka yar hal sanno oo loogu bedelay lacag. Sidaasdarteed, dhamaantood waa la sii daayay. Qofka todobaad waxay Maxkamaddu sheegtay inaan la aqoonsan. Dadka la xukumay ee la sii daayey waxa ka mid ah kii u hanjabay weriyaha

Axmed kuma qancin xukunka Maxkamadda.

 Kuwii weeraka geystay waa xor oo debedda ayay joogaan, Axmed oo dhibane ahna waxa ku socoto dacwad loogu haysto inuu sheegay ciddii uu arkayay inay u gaysatay weerarka.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay:

· ·         Laasho dacwadda ciqaabta ah ee ka dhanka ah Axmed Muuse Sakaaro;

· ·         Badhitaan madaxbanaan oo dhex-dhexaad ah ku samayso weerarka loo gaystay Axmed;

· ·         Soo qabato ciddii weerarka u gaystay Axmed.”